Cajaayibta Iyo Duruusta Lagu Cibro Qaadanayo Ee Ku Duugan Makhluuqa Alla (3)

0
1064

Hargeysa (Geeska)- Waa qormadii Labaad ee taxane gaaban oo uu Geeska Afrika akhristayaashiisa afka Soomaaliga ugu soo beddelay qaybo ka mid ah buugga Cajaayibta Makhluuqa oo uu qoray Mansuur Bin Muxammed Ash-Shariidah.

Kaneecada: Kaneecadu waxa ay leedahay lix lugood oo laba dhaadheer yihiin, afar baal, dhuun uurkeeda u daloosha. Kaneecdu beed aad u badan ayaa ay dhashaa, waxa aanay noolaataa 15 maalmood. Cayayaankaas itaalka yar, ayaa waxaa yaab leh in uu awoodo in neef geel ah uu dilo.

Shinnida (Qiso yaab leh): Waxaa dalka Masar ka dhacday qiso yaab leh oo ina tusaysa awoodda shinnida iyo sida mucjisada ah ee ay uga takhalusto abeesada, waxase ka sii daran, garaadka yaabka leh ee uu Alle ku beeray shimbiraha qaarkood. Aynu qisada oo ruuxii goob joogga u aha aka waramayo ku soo dhaadhacno: shimbir ayaa ku noolayd Qudbiga mid ka mid ah masaajidda magaalada oo ah qaddiimi dhismihii hore ee qoryaha dhirta u badnaa ah. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa ay abeeso ka soo baxday saqafka masjidku weerar ku qaadday buul-shimbireedii oo shimbiro markaas uun beedka ka dillaacay ay ku jiraan. Abeesadii oo shimbirihii cunaysa ayaa waxaa soo noqotay shimbirtii dhashay, waa beer hooyo ee muddo ayaa ay isku dayeysay in ay ka waabiso, laakiin abeesadii dan kama ay gelin, oo weliba mararna waxaaba ay isku dayday in shimbirta weyn qudheedana afkiisa ku soo qabto.

Shimbirtii markii ay ku fashilantay dhowr isku day oo ay doonaysay in ay dhasheeda ku difaacato, ayaa ay tagtay, ninkan ka waramaya iyo dhowr ruux oo kale oo arrinka la yaabay ayaa markiiba u qaatay in ay hooyadani is dhiibtay, laakiin taasi dabeecaddii hooyo lagu yaqaannay ma’aha. Daqiiqado gudahoodba waxaa soo rogaal celisay shimbirtii, kadib waxa ay duushay meel aad ugu dhow afka abeesada oo ay hadba dhan u martay si ay uga cadhaysiiso oo ay ugu dhaliso in ay weerarto. Abeesadii ayaa cadho afka u kala qaadday si ay u soo qabato, laakiin shimbirtii inta ay kor uga kacday ayaa ay afka ugu ridday shay yar oo markaas aanay dadkan xaalka la socday arki karayn. Isla markiiba abeesadii oo mayd ah ayaa inta ay saqafkii ka sii dhacday dhulka ka soo go’day.

Dadkii arkayey oo la yaabban ayaa abeesadii u yimid, afka markii ay u kala fureen si ay u arkaan waxan shimbirtu ugu riddayna waxa ay arkeen in uu ahaa xabbad shinni ah oo afka ka qaniintay. Waxaa caddaatay in shimbirtu ay doonatay shinni oo inta ay xabbad soo ugaadhsatay iyada oo aan burburin ay soo qaadatay, kadibna afka ugu ridday abeesadan mamtay, waxaana yaab leh in shimbirtu ay garanaysay in abeesadan ay shinnidu ka adag tahay.