Coronavirus oo tan iyo bishii Diisambar 2019 kii farabaas ku hayey adduunyada ayaa dawo ha joogto ee ay culimada caafimaadku weli ku jaahwareersan yihiin calaamadihiisa, dabeecadihiisa, siyaabaha uu u faafo iyo raadadka caafimaad ee uu ka tago. Daraasado hore ayaa caddeeyey in xanuunkan uu raadad caafimaad darro oo muddo dheer sii jira uu kaga tago dadka uu ku dhaco xitaa marka ay ka bogsadaan. Raadadkaas uu Fayrasku ka tago ayaa ay khubaradu sheegeen in ay u kala duwan yihiin hadba sida ay u kala duwan yihiin bukaanku, tusaale ahaan qofka da’ ahaan weyn ama xanuunnada hore qaba ayaa ay ku khatar badan yihiin marka loo eego kuwa da’da yar ama caafimaadkoodu fiican yahay.
Cilmibaadhis cusub ayaa iyaduna daahfurtay in fayraskani uu si gaar ah haweenka ugaga tago xaalado caafimaad darro oo muddo dheer sii jira.
Daraasaddan ayaa tijaabo ku samaysay 128 qof oo ah bukaan uu ku dhacay xanuunka COVID-19 oo uu qabtay cisbitaalka Sant James ee magaalada Dublin, caasimadda dalka Ireland, natiijada soo baxdayna waxa ay noqotay in boqolkiiba 52.3 dadkii tijaabadaas lagu sameeyey ay ka cabanayaan xaalado caafimaad darro oo ay ka mid yihiin, xaalado nafsadeed; sida isku buuqa iyo culayska nafsiga ah. Xaaladahaas oo sii jiray xitaa iyada oo iyada oo muddo 10 toddobaad ka badan laga joogo markii ay dadkaasi ka bogsadeen Coronavirus.
Xaaladahan caafimaad darro oo lagu arko dhammaan dadka uu bukaanku ku dhaco, ayaa ay khubaradu sheegeen in si gaar ah ugu badan tahay haweenka, kaddib markii sahaminta ay sameeyeen muujisay in boqolkiiba 67 ay dumarku ka yihiin tirada dadka la tijaabiyey ee uu Fayraskani raadadka caafimaad darro kaga tagay.
Waxa kale oo ay xeeldheereyaashu tilmaameen in dadka uu Fayrasku raadadka taban kaga tegeyaa aanay ahayn keliya kuwa cisbitaallada loo dhigo xanuunka, balse ay xitaa ku jiraan kuwa uu sida kooban ugu dhaco ee is baxnaaninta fudud ku bogsada.
Waa arrin hore u soo jirtay in Fayrasyada ku dhaca habdhiska neefmareenku ay ka tagaan xaalado caafimaad darro oo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid tahay xaaladaha nafsiga ah ee iyo kuwo jidheed oo burbur jidheed iyo awood la’aani ugu fududahay.
Daraasad sannadkii 2011 kii lagu sameeyey dalka Canada oo ay faafisay majalad lagu magacaabo MBC Neurology ayaa lagu ogaaday Fayraskii SARS oo isaguna si ba’an u weerari jiray habdhiska neerfaha qofku, dadkii uu ku dhacay in uu kaga tegey xaalado nafsadeed iyo kuwo jidheed oo awood darro ay ka mid tahay. Taas oo gaadhay in xitaa bukaankii ka bogsaday qaarkood ay awoodi waayeen in ay shaqooyinka dib ugu noqdaan xitaa hal sano kaddib markii ay ka sii badqabeen xanuunka.
Arrinta sii xoojisay aragtida cilmi ee sheegaysa in raadadka Fayraska Coronavirus ku sii badan yahay dumarka ayaa ah in xanuunkaas SARS oo qudhiisu isla nooc ka mid ah Coronavirus ka ka dhalanayey, raadadkii uu bukaanka kaga tegey ay ugu badnaayeen dumarku. Tusaale ahaan 22 qof oo uu raadad caafimaad darro kaga tegey ayaa mar tijaabo lagu samaynayey la ogaaday in 19 ka mid ahi ay haween ahaayeen.
Muddada 10 ka bilood ka badan ee uu Coronavirus dunida ku faafayey waxaa u uku dhacay dad ka badan 22 milyan iyo 224 kun oo ruux, dadkaas oo ay dhinteen in ka badna 1 milyan. Xanuunkan oo weli si xawaare ah u sii faafayana weli looma helin dawo ama tallaal, inkasta oo ay jiraan dadaallo ay khubarada dalal badan oo adduunka ahi ku hawlan yihiin sidii ay tallaal u soo saari lahaayeen.