Xildhibaan Reer Awdal Ah Oo Madaxwene Biixi Ugu Baaqay Inaan Xeerka Doorashada Lagu Kala Kaxayn Beelaha Somaliland

0
695

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Cabdi Maxamuud Jaamac oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ee soo jeeda Gobolka Awdal, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan Xeerka Doorashooyinka ee la ansixiyey Axaddii doraad, waxaanu Xeerkan ku tilmaamay Xeer ay beel kaliya ansixisay isla-markaana aan khusaynin Beelaha Darafyada ee dalka.

Xildhibaan Cabdi Maxamuud Jaamac oo qoraal soo gaadhsiiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in Shacabka reer Somaliland ay yihiin Shacab walaalo ah oo ay habboon tahay inay wada yeeshaan xaq siman, waxaanu si gaar ah farriin ugu diray Madaxweynaha.

Xildhibaanka oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Xeerka Baarlamaanka Somaliland laga ansixiyey maaha mid Beelaha darafyada khuseeya, shaqo kuma lihin wixii ka soo baxa Xeerkaas, waayo? Beel kaliya ayaa ansixisay, weli may dhicin intii Madax dawladeed soo martay in Baarlamaanka Xeer beeleed ansixiyo, taasina waxay ku tusaysaa in Beelaha darafyada la tixgelin”

Mar uu ka hadlayey dadka Somaliland wada dega ayuu yidhi “Dadka dega darafyadu waa Somaliland, waana wada walaalo, reer Somaliland xaq siman waa inay wada yeeshaan, meelna ma kala tagayaan, waxaan codsanayaa in aan dadka walaalaha ah aan la kala kaxayn”.

Mar uu farriin u dirayey Madaxweynaha wuxuu yidhi “Waxaan Madaxweynaha Somaliland ka codsanayaa in aan dadka la kala kaxayn”.