Shabakadda Xidhiidhka Bulshada Ee Loollanka Adagi Ka Dhexeey Tiktok 29 Bilyan Oo Doolar Suuqa Ku Soo Galay

0
555

Shirkadda Zynn (Siin) oo loollanka adagi ka dhexeeyo shirkadda TikTok ayaa ku hawlan sidii ay suuqa saamiyada ee Hong Kong u soo geli lahayd, taas oo u suurtagelin doonta in ay ururiso saamiyo gaadhaya 5 Bilyan oo doolar.

Shirkaddan oo laga leeyahay dalka Shiinuhu waxa ay u shaqaysaa sida shirkadda TikTok oo muuqaallada gaagaaban lagu wadaago, waxa aanay muddooyinkii u dambeeyey u muuqatay in ay suuqa gudaha dalka Shiinaha ku cidhiidhiday TikTok. Gaar ahaan magaalooyinka yaryar iyo dhulka baadiyaha ah oo ay Zynn aad ugu awood badan tahay, marka shirkadda kale loo eego.

Sahamin lagu sameeyey suuqa baraha bulshada ee muuqaallada gaagaaban lagu wadaago ayaa lagu ogaaday in isticmaalka shabakadda Xynn ay ku soo badanayso dalalka kale ee ka baxsan Shiinaha, gaar ahaan dalka Maraykanka oo dhowaan ay dad badani la soo degeen, kaddib markii ay u arkeen in uu u beddeli karo shabakadda TikTok oo uu madaxweynaha Maraykanku TikTok muddo mamnuucay isaga oo basaasnimo ku eedaynaya. Sida oo kalana dalka Hindiya ayaa uu isticmaalka Zynn kor u kacay kaddib markii ay dawladda dalkaasi xidhay shabakadda TikTok  oo uu basaasnimo ku eedeeyey. Dalal badan oo kale ayaa iyaguna shabakadda TikTok ku tuhmaya in ay wax u basaasto dawladda shiinaha taas oo haddii ay kallifto in dalalkaasi ay xidhnaa, fursad siin doonta shabakadda Zynn oo qabanaysa adeeg la mid ah adeegga TikTok.