Cilmiga Adduunka Oo Qarka U Saaran In Uu Xal U Helo Dhibaatooyinka Ku Lammaan Gabowga

0
904

Waxaa la filayaa in dhowaan uu cilmiga barashada aadamuhu soo saaro dawooyin dadka da’da ah ka caawiya in ay ka adkaadaan calaamadaha gabowga ee daalka, burburka iyo jileecu ka mid yahay.

Saynisyahannada ayaa muddo ay tijaabooyin kala duwan samaynayeen kaddib waxa ay shaaciyeen in ay qarka u saaran yihiin in ay caafimaadka adduunka ku soo kordhiyaan kacaan cusub, kadidb marka ay soo saaraan dawadan oo jidka ka dilaysa unugyada gaboobay. Arrintaas oo haddii ay suurtagasho sababi doonta in adduunku ka nasto kharashaadka xad dhaafka ah ee lagu bixiyo daryeelka caafimaadka iyo nolosha dadka gaboobay oo inta badan qaba xanuunno gabowga ku lammaan oo aan bogsi lahayn.

James Kirkland oo ka qayb qaatay diyaarinta warbixintan oo ay faafisay majaladda EBioMedicine oo arrimaha caafimaadka ka faallota, waxa uu sheegay in ay muuqato suurtagalnimada in hadda kaddib ugu yaraan dib loo dhigo calaamadaha iyo xanuunnada gabowga ku lammaan. Muhiimadda ugu weynina waa in ay dawooyinkani sababayaan in xaaladaha caafimaad ee gabowga ku lammaan oo isku jira dib loo riixo, iyada oo aan mid mid loola tacaalayn.

Daraasaddan ayaa muddadii tijaabadeeda la waday waxaa dawada gabowga lagu tijaabiyey dad qaba kalyo xanuun iyo kuwo macaan qaba, muddo saddex maalmood gudahood ahna waxaa lagu arkay isbeddel ay ka mid tahay in dawadu ay boqolkiiba 30 yaraysay unugyadii gaboobay ee ku jiray nudaha dufaneed, waxa kale oo ay aad u dhintay heerkii dufanka dhigga. Ifafaalihii ay saynisyahannadu ka arkeen dadka ay dawada ku tijaabiyeen ayaana dhiirrigelisay go’aankooda ah in ay soo saaraan dawadan oo kiniin ah.

Unugyada gaboobay ee ay dawadani dilaysaa waxa ay jidhka ku sii daayaan maaddooyin kiimikaad oo marka ay jidhka ku ururaan khatar ku ah caafimaadka, waxa aanay khatartoodu ugu badan tahay marka uu qofku gaadho da’da toddobaatan jirka. Maaddooyinkaasi waxa ay sababaan xaalado badan oo ay ka mid yihiin, xubno xanuunka, lafo burburka, macaanka iyo xitaa asaasaqa.

Maaddooyinka kiimikaad ee unugyada gabowgu siidaayaan waxa ay aad ugu jiraan coodhcoodhka maqaarku sameeyo, iyo shabakadda aragga oo ay dhaawacaan.

Sida uu wargeyska TIMES ee ka soo baxa dalka Ingiriisku ku warramayo sannadihii u dambeeyey waxa ay saynisyahannada adduunku soosaareen noocyo dawo oo unugyada gaboobay ee jidhka ku qasbaya in ay is dilaan / is burburiyaan. Waxa kale oo ay dawooyinkaasi wax weyn ka qabteen xal u helidda cilladaha shaqo iyo xaaladaha caafimaad darro ee uu gabowgu ku keeno caafimaadka wadnaha, xididdada dhiigga, sambabada, dabacsanaanta jidhka iyo xanuunka unugyada maskaxda dila ee Alzheimer.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here