“Heshiiskan Ceel-afweyn Hadda Ka Dhacay Waa Heshiis Si Gobonimo Iyo Sharaf Leh U Dhacay”

0
607

Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi

Hargeysa (Geeska)-Suldaanka guud ee Beesha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa ka hadlay heshiiska ka dhacay Ceel-afweyn, ee dhexmaray labada beelood ee deegaankaas wada dega, waxaanu sheegay inuu aad u soo dhaweeynayo heshiiskan, waxaanu ugu baaqay inay ka dheeradan in dagaal dambe dhexdooda ka dhaco.

Suldaanka guud ee Beesha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay dhalashada Nabi Maxamed ugu horeyna wuxuu hadalkiisa ku bilaabay “Labada Beelood ee isku deegaanka ah ee Ceel-afweyn wada dega, waa laba beelood oo isku ood ah, waa laba beelood oo isku deegaan ah, waa laba beelood oo wada dhashay, waa laba beelood oo walaalo ah, waxaana la isku yidhaahda habar lamaan, heshiiskan ay garteen hadda aad baan u soo dhaweynayaa, waxayna ahayd inay mar hore gartaan, balse shaydaan baa ka dhex adeegay, heshiiskan Ceel-afweyn hadda ka dhacayna waa heshiis si  gobonimo iyo sharaf leh u dhacay,  oo waanu ku faraxsan nahay, ugu horeyna ILLAAHAY ayeynu uga mahadnaqaynaa oo aynu ugu shugri naqaynaa, madaama uu labada beelood wafaajiyey wanaagan iyo heshiiskan, waxaanu jecel nahay inuu heshiiskani noqdo mid waara, oo aan burin, waxaanu jecel nahay in walaaltinimada  labadan beelood ay noqoto walaaltnimo waligeed jirta, colaad dambe iyo aano dambena in aanay dhexmarin baynu jecel nahay, ALLENA kuma keeno, maxaa yeelay colaadu faa’iido ma leh, ee colaada waxaan ka dhalasha abaaro, xumaan iyo dhib, dagaalna wiil kuma dhasho ee wiil baa ku dhinta, ee waxaan leeyahay inaga ilaaliya colaad dambe oo dhacda”.

Mar uu ka hadlaayey dhalashada Nabi Maxamed ayaa yidhi “Dhalashadii nebiga scw, ayay ku  beegan tahay, mar walba Nabigeenu amaan iyo weynayn buu inaga mudan yahay, inaynu mar kasta ku salino oo aynu sunihiisa raacno ayuu inaga mudan yahay, maxaa yeelay Nabigeenu waa qofka ugu mudan Adduunka,  waa qofka ugu khayrka badan Adduunka, waxaanu ILLAAHAY u soo diray guud ahaan Adduunka, isagoo ah Nabigii ugu dambeeyey ee ALLE soo diro, ALLENA ha inaga dhigo kuwa uu Nabi Maxamed u shafeeco qaado Qiyaamaha”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here