Madaxweyne Biixi Oo Xilkii Ka Qaaday 5 Ka Mid Ah Wakiilada Dibadda Iyo 9 Wakiil Oo Cusub Oo Uu Magacaabay

0
685

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha JSL ayaa shalay xil ka qaadis iyo isku shaandhayn ku sameeyay inta badan wakiilada dibadda ee JSL, waxaanu xilkii ka qaaday 5 ka mid ah wakiilada dibada, isagoo bedelkoodana magacaabay 9 wakiil dibadeed oo u badan wejiyo cusub iyo wakiil-xigeen uu u magacaabay xafiiska ay Somaliland ku leedahay Addis Ababa.

Magacaabista iyo xil ka qaadista iyo isku shaandhaynta wakiilada dibadda ee Somaliland, ayaa waxay ku soo beegmaysaa xilli ay Somaliland dibadda kala kulmayso culaysyo diblomaasiyadeed oo ay dawlada Soomaaliya ee Farmaajo saartay siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland. Wareegtada Madaxweyne Biixi ayaa waxay u dhignayd sidan:

WAREEGTOOYIN MADAXWEYNE

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin madaxweyne oo summadoodu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-378/112019 iyo JSL/XM/WM/222-379/112019, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya  dalalka dibeda.

Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinka Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegtooyin Madaxweyne

XIL KA QAADIS 

Ku:     Maxamuud Cabdi Dacar

Wakiilkii hore ee Somaliland ee Midowga Yurub 

Ku:    Ayaan Maxamuud Maxamed

Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Boqortooyada Ingiriiska 

Ku:    Sulub Warsame Xuseen

Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Norway 

Ku:    Cabdalla Muuse Axmed

Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya

 Ku:    Cali Maxamed Axmed

Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Yaman      

Og:    Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. 

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis 

Mudanayaal iyo Marwo,

Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilkii aad u hayseen Qaranka. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilka Qaran. 

MAGACAABID

Markaan

Arkay:               Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan

Tixgeliyey:        Ahmiyadda Wakiillada Dibedda ee Jamhuuriyadda Somaliland u leeyihiin dhismaha Qaranka; 

Markaan

Arkay:               Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; 

Markaan ku Qancay:        In ay Hannan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; 

Markaan Sameeyey:         La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey; 

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiintan:

Tir Magaca Xilka
1. Cabdi Cabdillaahi Xirsi Maxamed Wakiilka Somaliland ee Boqortooyada Ingiriiska
2. Salaan Xasan Kayd Cabdille Wakiilka Somaliland ee Midowga Yurub
3. Yuusuf Maxamed Guuleed Boodhle Wakiilka Somaliland ee Dalka Itoobiya
4. Maxamed Maxamuud Aadan Samatar Wakiilka Somaliland ee Dalka Norway
5. Axmed Jaamac Xasan Shire Wakiilka Somaliland ee Dalka Koonfur Afrika
6. Mustafe Yuusuf Ismaaciil Cali Wakiilka Somaliland ee Dalka Jarmalka
7. Cali Axmed Cismaan Wakiilka Somaliland ee Dalka Sucuudi Carabiya
8. Axmed Cali Salaad Maxamed Wakiilka Somaliland ee Dalka Yaman
9. Barkhad Maxamuud Kaariye Samatar Wakiil Ku-xigeenka Somaliland ee Dalka Itoobiya

 

Waxaan uga mahad-celinayaa Wakiilladii hore ee Somaliland muddadii ay hayeen xilka Qaranka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here