Somaliland Iyo Imaaraadka Oo Si Rasmi Ah U Kala Saxeexday Heshiiskii Dekedda Berbera

0
497

Hargeysa(Geeska)-Dawladaha Somaliland iyo Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah u saxeexay heshiiska dekedda Berbera ee mudada la sugayay, waxaana u saxeexay Somaliland Wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, halka uu Imaaraadka u saxeexay guddoomiyaha shirkadaha Dubai World Sheekh Sultaan Axmed Bin Suleyman.

1

Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada, ayaa lagu xaqiijiyay saxeexan, waxaanu u dhignaa sidan “Madaxweyne ku xigeenka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ahna Ra’iisal wasaaraha dalkaasi, isla markaana ah xaakimka Imaaradda Dubai, Mohammed Bin Rashid Al-Maktoum ayaa maanta [shalay] qaabiley Madaxwaynaha  Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane.  Axmed Maxamed  Silaanyo qasrigiisa.

Madaxweynaha oo la dejiyey hotelka Al-qasar, ee ku yaalla madiinatu Jubayra ee Dubai ayaa wuxuu gudoonsiiyey madaxweynuhu Ra’iisal wasaaradaha Dalkaasi hadyad ah, astaanta qaranka jamhuuriyada Somaliland.

Weftiga uu horkacayo madaxweynuhu ee ku sugan Dubai ayaa heshiis dhinacyo badan taabanaya la saxeexday masuuliyiinta shirkada Dubai World oo ah shirkadda u qaabilsan Isu-tagga Imaaraadka dhinaca dekedaha, gaar ahaan waxa heshiiskaasi saxeexay gudoomiyaha shirkadaasi Sultan Ahmed Bin Sulayem, oo ka wakiil ah dawladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo dhinaca Somaliland oo uu u saxeexay Wasiirka Arrimaha dibeda Dr. Sacad Cali Shire.

Ujeedada heshiiskan ayaa ah dhismaha, dayactirka iyo ballaadhinta dekeda caalamiga ah ee Berbera. Waxa kale oo heshiiska la kala saxeexday ka mida dhismaha waddada loo yaqaan Berbera Corridor oo ah waddada ganacsi ee isku xidhidhaysa Berbera iyo Itoobiya.

 

Waxa kale oo ka mid ah heshiiskaa horumarin lagu samayn doono dhinaca beeraha, tamarta, Korontada, dalxiiska, mid ka mid ah Hoteelada casriga ah ee loo yaqaano (Five Star Hotel) oo laga hirgelindoono Magaalada Berbera iyo guud ahaanba tababarada shaqaalaha iyo horumarintooda oo looga golleeyahay in lagu gaadho maamul wanaag.

Heshiiskan ayaa noqon doona, iyadoo lagu rajo weyn yahay in uu degdeg u fulo, mid faa’iido balaadhan u leh dalka iyo dadka Somaliland gaar ahaan iyo gobolka ay ku taallo Somaliland guud ahaanba.

Weftigii wasiirada iyo maareeyaha dekeda ka kobnaa ee ka horeeyey madaxweynaha, kuna sugnaa Dubai ayaa iyagu dalka ku soo laaban doona maalinta berrito ah, iyagoo faah-faahina ka bixindoona  nuxurka heshiiskaasi iyo midhaha ka dhashay hawlgalkaa xukuumada ee ku aaddan xidhiidhka Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo Somaliland.”

Ina Boore:

Geesta kale, sawiro uu baahiyay weftiga Madaxweyne Siilaanyo, ayaa waxa laga dhex arkay Ganacsade Cabdiraxmaan Boore oo ah siyaasi iyo ganacsade ay si weyn isu hayaan Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele, kaas oo la arkay isagoo ku dhex jira weftiga Madaxweyne Silaanyo.

Ganacsade Boore, ayaa sawirada ka muuqda isagoo dhex socda weftiga Madaxweyne Siilaanyo, lana sheekaysanaya xubno ka mid ah.

Lama garanayo halka uu Cabdiraxmaan-Boore ka soo galay wada hadalada u socda dawladda Somaliland iyo shirkaddan DP world ee ku saabsan dekedda Berbera, waxase ay warbaahintaa qaarkeed ku tilmaantay inuu fure ka yahay wada hadalada muddada u socday dawladda Somaliland iyo shirkadda DP world. Bore ayaa xidhiidh la leh  dalka Imaaraadka Carabta, laakiin dad badan oo illaa xalay arrintan lafa guray ayaa aaminsan in jid kasta oo uu arrintan iyo guud ahaan arrimaha Somaliland ku soo dhexgalo ganacsade Boorre in uu saamayntiisa ku yeelanayo xidhiidhka Somaliland iyo Jabbuuti.