Cilmibaadhis Faylasuufkii Weynaa Ee Aristotle Ku Raacday In Hal-Abuurnimada Iyo Waallida Uu Xidhiidh Ka Dhexeeyo

0
578

Paris (Geeska)- Cilmibaadhis dhowaan la sameeyey ayaa daahfurtay in ay jiraan xididdo hidde-sidayaal ah oo ay wadaagaan ama qayb ahaan ka wadaagaan hal-abuurnimada iyo khalkhalka maskaxda ku dhaca. Daraasaddan oo u marag furaysa ama dad badan soo xasuusisay hadal hore looga soo xigtay faylasuufkii weynaa ee Aristotle oo uu lahaa, “Ma jirto hibo iyo hal-abuurnimo aanay waalli ku dhex milnayn”

Daraasado hore ayaa iyaguna iftiimiyey in qoysaska ay ka dhashaan dad maskax  ahaan aan dhammayn ay sidoo kale ku badan yihiin ama ka dhashaan dad hal-abuur iyo hibooyin waaweyn lihi, laakiin daraasadahaas hore ma’ay xusin in arrintaas sababteedu ay tahay hidde-sidayaal iyo in qofka hal-abuurka leh qudhiisu aanu maskax ahaanna fayoobayn.

Si kastaba ha ahaato ee cilmibaadhistan hadda oo lagu faafiyey majaladda Nature Neurology ee ka soo baxda dalka Ingiriiska ayaa koox ah cilmibaadhayaal u dhashay Iceland waxa ay ku sheegeen in isbedello iyo is-dhallaan geddis ku yimaadda hidde-sidayaashu uu keena khatarta ah in qofka uu ku dhaco cudurka afka cilmiga lagu yidhaahdo schizophrenia oo ah khalkhal ku dhaca maskaxda oo keena in qofku uu u dadka kale ula dhaqmo / macaamilo si aan caadi ahayn iyo in qofku uu kala garan waayo xaqiiqada iyo waxa aan runta ahayn, calaamadaha ugu waaweyn ee lagu gartana waxaa ka mid ah, qofka oo waxyaabo been iyo malo-awaal ah aamina, fikirkiisa oo noqda mid aan caddayn ama dawakh ka muuqdo, isaga oo marar lagu arko isla hadal, niyad jab iyo firfirooni la’aan, si caadifad ah oo uu wax u cabbiro iyo dhexgalka bulshada oo uu ka dheeraado.

Waxaay khubaradu sheegeen in isla isbedelladaa hidde-sidayaasha ku dhacaa ay sidoo kalana keenaan in qofku uu dareemo hal-abuurnimo badan iyo in awooddiisa curintu ay kor u kacdo. Cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey ayaa tijaabooyin kala duwan oo muddo ay waden kadib, natiijadan ay soo saareen ku soo gabagabeeyey, “Daraasaddayadani waxa ay xoojinaysaa kaalinta tooska ah ee ay hidde-sidayaashu ku leeyihiin curinta iyo hal-abuurnimada”

Si kastaba ha ahaato ee xeel-dheerayaal badan ayaa iyagu ka gaabsaday natiijada daraasaddan, iyaga oo hoosta ka xariiqaya sida ay u adag tahay in la qeexo fahamka ‘Curinta ama Hal-abuurnimada’ iyo in la isku xidho hal-abuurnimada iyo xanuunnadaas nafsiga ah, gaar ahaan marka xisaabta lagu darsado xaqiiqada ah in hidde-sidayaasha la xidhiidha khalkhalka maskaxdu ay sidoo kalana ku xidhnaan karaan hawlo kale oo garaadka la xidhiidha.

Diyaariye:-

Kamaal Axmed Cali.