Hooyadii Oo Ku Ciqaabi Jirtay Kijada Ayaa Sabab U Noqotay In Uu Noqdo Cunto-Kariye Caalami Ah

0
600

Picture6

Riyaad (Geeska)- Wiil yar oo ay hooyadii ku ciqaabi jirtay in uu iyada kala shaqeeyo kijada, gaar ahaan cunto karint iyo weel xalista ayaa noqday cunto-kariye caalamiya oo Sucuudiga iyo dalalka Gacanka Carabtana caan ku ah karinta cuntooyinka dhaqanka ah.

Daariq Al-Maymaan oo yaraantiisii ahaa wiil aad u qal-qaalli ah, isla markaana inta dadka waaweyni mashquulsan yihiin guriga qasa ayaa ay hooyadii caado ka dhigatay in marka uu guriga joogo ay u kaxayso kijada oo saacado badan uu kula jiri jiray isaga oo ka caawinaya cunto karinta, weel xalidda iyo hawlaha kale ee mad-bakha. Cunto-Kariye Daarqi Al-Maymaan oo ka waramaya xilliyadaas uu soo maray ayaa sheegay in ciqaabtii hooyadii ay keentay ee ahayd in ay kijada (Mad-bakha) ku xabbisi jirtay si ay uga soo fogeyso walaalihii oo ay inta badan murmi jireen iyo rabshidda guriga, in uu aad ugu fiirsan jiray hawlaha ay hooyadii qabanayso, kana baran jiray googoynta khudradda, nadiifinta cuntada la karinayo iyo weelkaba. Muddo uu xaalkan ku soo jiray kadib, Daariq markii uu dhalinyarada noqday waxa uu bilaabay in uu cuntada u kariyo saaxiibbadii iyo dadka ay waxbarashada ama shaqada isugu yimaaddaan, meel kasta oo uu u baxayana waxa uu u sii qaadan jiray weelka iyo cuntooyinka uu doonayo in uu kariyo.

Intaas kadib waxa uu go’aansaday in uu si cilmiya u barto cunto karinta waxa aanu shahaado sare oo dhinaca cunto karinta ah ka qaatay jaamacad ku taalla dalka Urdun, kadibna waxa uu tababarro heer sare ah oo kala duwan ku soo qaatay magaalooyinka Paris iyo Dubai.

Daariq Al-Maymaan maanta waa macallin dhinaca cunto karinta ah oo caalamiya, waxa aanu si gaar ah ugu sii xeeldheer yahay karinta cuntoooyinka guud ahaanba Carabta iyo Yurub, waxa aanu dhowaan furay hudheello cunto oo uu isagu gaar u leeyahay.