Cillado Haddii Aanad Gaadhigaaga Ka Daweyn Khatar Weyn Ku Keeni Kara Iyo Talooyin Muhiim U Ah Gaadiidka (3)

0
678

Picture7Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii Saddexaad ee qormadii uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayey cilladaha haddii aan gaadhiga laga daweyn khatarta ku keeni kara iyo talooyinka ay khubarada gaadiidku ka bixiyeen dayactirka iyo dhawrista gaadhiga:

4. Saliidda Injiinka: Waxaa laga yaabaa in dad badani aanay dareensanayn in saliiddu marka ay gaadhiga ku raagto, ama ay meel ka liigayso uu xaddigeedu ka yaraanayo intii ay ahayd markii lagu shubay, waxa ka daran oo aanay dadka badankiisu ogeynba in saliidda oo ka hoosaysa ama yaraata heerkii saxda ahaa ee Mishiinka loogu talagalay, in ay keenayso cillad weyn oo dhinaca mishiinka ah.

Darawalka waxaa la gudboon in saliiddu ay joogto heerkii saxda ahaa, iyo in ay weli tahay mis uu sii isticmaali karo, ama beddel u baahan. Sida caadiga ah qiyaasta saliidda waxa aad ku garan kartaa calaamadda ku taalla mitirkeeda marka aad eegto, in ay gaadhay xilligii la beddelayena waxa aad ku garan kartaa nooca saliidda, waayo sida caadiga ah marka ay daasho waxaa ka taga dhegdegga oo biyo-biyo ayaa ay noqotaa, arrintaas oo khatar ku keenta Mishiinka, halka marka ay hoos u dhacdana ay ku keenta Mishiinka kulayl badan oo aakhirka uu qaadi kari waayo.

5. Indhaha: Indhaha oo ah waxa ugu fudud ee gaadhiga laga daryeeli karaa waxa ay leeyihiin muhiimad weyn, kuwa hore iyo kuwa dambe kii ay tahayba waxaa qasab ah in darawalku uu ogaado bixitaanka indhaha gaadhigiisa.

Waxaa xaqiiqo ah in indhaha gaadhiga oo aan si isu dheelli tiran labada dhinacba uga baxayn, ama qaarkood dameen in ay keeni karto in darawalku uu sida saxda ah wax uga arki kari waayo, gaar ahaan xilliga xawaaraha sare uu ku socdo. Waxaa iyaduna muhiim ah in darawalku uu ogaado in ay qalad tahay in uu shaaracyada ku dhex maro indhaha sare (Faska) oo u baxaya, waayo isagana waxba uma tarayaan darawalka gaadhiga ka hor imanayana dhib ayaa ay ku keenaysaa.

6. Suxullada iyo Ruqummada: Sida aynu hore u soo aragnay Isteerinka gaadhigu waa nidaam isku xidhiidhsan illaa taayirka oo ka kooban qaybo mid kastaa hawlo u gaar ah leeyahay, dhinaca hoose ama dhinaca taayirka kuwa ugu xigana waxaa ka mid ah Suxullada / jiidayaasha iyo Ruqumta oo leh muhiimad weyn oo la’aantood aanu taayirku si sax ah halkiisa ugu jirayn.

Darawalka waxaa la gudboon in uu si joogto ah uga warhayo xaaladda suxullada, ruqumta iyo jiidayaasha gaadhigiisa, waana in aynu ogaanno in kala bixiddoodu ay keento khatar ah in aanu darawalku gaadhiga xakamayn karin, haddii xawaare yara sare uu ku socdayna keeni kara khasaare weyn.