Midowga Yurub Oo Dawladda Somaliland Ku Cambaareeyay Dilkii Lagu Fuliyay Lixda Nin, Uguna Baaqday Inay Ka Noqoto Go’aamada Qisaasta

0
510

Picture6

Hargeysa(Geeska)-Midowga Yurub yaa si kulul u cambaareeyay dil ay dawladda Somaliland toddobaadkan ku fulisay lix nin oo hore u dilay dad kala duwan, kuwaas oo lagu toogtay magaalada Mandheera ee gobalka Saaxil. Warsaxaafadeed uu shalay Midowga Yurub ka soo saaray magaalada Nayroobi ee wadanka Kenya waxay ugu baaqeen dawladda Somaliland inay ka noqoto fulinta dilalka. Warsaxaafadeedka oo dhammaystirani wuxuu u qornaa sidan “Madaxda Hawlgalka Midowga Yurub iyo Dalalka Xubnaha ka ah waxay sida ugu adag u dhaleecaynayaan fulinta dilka lixda qof ee ay sameeyeen masuuliyiinta Somaliland ee xabsiga amaanka baddan ee Mandheera in badan ka dib markii ay iska daayeen fulinta maamulku. Guud ahaan, falkani aan la filayni wuxuu dib u dhac ku yahay guulaha laga gaadhay in la fidiyo nidaamka sharciga Somaliland. Midowga Yurub wuxuu si ba’an uga soo hor jeedaa ciqaabta dilka waxayna u tixgeliyaan in dilku yahay ku xad gudub aad khatar ugu ah xuquuqda iyo sharafta aadamaha. Madaxda Hawlgalka Midowga Yurub waxay si ba’an uga soo hor-jeedaan xabaalaha la qoday sagaal sanno ka dib markii la joojiyay dilalka ciqaabta ah waxayna ku adkaynayaan masuuliyiinta Somaliland inay dib uga fekeraan go’aankooda dib uga noqoshada dariiqa horumarka ee ay raaceen ee joojinta dilka. Madaxda Hawlgalka Midowga Yurub waxay ugu yeedhayaan  masuuliyiinta Somaliland inay si dhakhso ay u joojiyaan xukunnada dilka oo ay ugu horayso inay qaataan shuruuc ku haboon joojinta xukunka dilka. Midowga Yurub waxay rajaynayaan inay masuuliyiinta Somaliland kala shaqeeyaan arrintani.”

Geesta kale, Dhawaaqa ka soo yeedhay Midowga Yurub ayaa layaab ku noqday shacabka Somaliland oo aad u soo dhaweeyay fulinta qisaasta dilka ah si uu dilka oo muddooyinkan dambe Somaliland ku batay u yaraado, waxaanay shacabka Somaliland siyaabo kala duwan u falanqaynayaan dhawaaqa ka soo yeedhay Midowga Yurub.