Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Guurtida Oo Taliyaha Ciidanka Qaranka Ugu Baaqay Inuu U Kuur Galo Xaaladda Ciidanka Qaranka Iyo Dilalka Ku Batay

0
475

Picture6Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Siciid oo ka mid ah Xidhibaanada Golaha Guurtida ayaa baaq u diray Taliyaha Ciidanka Qaranka sareeye Gaas Ismaaciil Shaqale, waxaanu ugu baaqay inuu hoose u eego una kuur-galo xaalada Ciidamada Qaranka, si loo kala saaro Ciidamada, isaga oo xusay in Askarigu uu hayo masuuliyad, isla markaana loo baahan yahay Askari tayo leh, dulqaad leh, caafimaad ahaana fayoow.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Siciid ayaa isaga oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay sidoo kale soo dhaweeyey qisaasta ay Xukuumaddu bilawday ee lagu fulinaayo gacan ku dhiiglayaashii dilalallka geystay, isaga oo tilmaamay inay tahay talaabo aad u wanaagsan, waxaanu sidoo kale ka hadalay ALLE ha u naxariiste Taliyihii guutada 93-aad  ee ciidanka qaranka Baashe Cabdi Cali ee saddex maalmood ka hor uu dilay mid ka mid ah Askarta CIidanka Qaranka, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay “Guud ahaan Ciidamada Somaliland waajib qaran ayey hayaan, xil culusna bulshada wuu ka saaran yahay, waxaan se Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqale ugu baaqaya ama aan ku boorinaya inuu u kuur-galo xaalada Ciidamada, si uu u ogaado xaalada dhabta ah ee Ciidamada iyo si loo kala karto Askariga dulqaadka leh, Askariga Jidh ahaan iyo Maskax ahaanba caafimaad qaba iyo Askariga kale ee Jidh ahaan iyo Maskax ahaanba caafimaad qabin,si tayadeena Ciidanimo u ilaalino”.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed SIciid mar uu ka hadlaayey Taliyihii dhawaan la dilay ayaa  yidhi “ILLAAHAY ha u naxariiste Taliyihii guutada 93-aad  Baashe Cabdi Cali ee uu dhawaan uu dilay mid ka mid ah Askarta Ciidanka Qaranka, inuu dilaa gacantiisana uu ku baxo wax qoran ayey ahayd, balse si khaldan ayaa Askariga wax loogu sheegay, oo waxa lagu yidhi waa lagu fanishay, isaga oo aan waxba hubsan oo qorigiisi sita ayuu Taliyihii u tagay, sidaasna uu ku toogtay, waxaana taas ka si daran Taliyihii oo dhawaac ah ayaa isagana laga soo tagay, Askariga dilka geystayna Hargeysa loo soo qaaday, markaas waxa ay ahayd in Sharciga la mariyo, oo walibana halka uu dilka ku geystay lagu xukumo, si dhibaato kale aanay u sii dhicin”. Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Siciid ayaa mar uu ka hadlaayey qisaastan ay Xukuumaddu bilawday yidhi “Waan soo dhaweeynaya xukunkan fulinta ah ee gacan ku dhiiglayaasha sida badheedhka ah Xukuumaddu dilka ugu fuliso, waxa loo baahnaa in mar horeba gacan ku dhiiglayaasha qisaas lagu fuliyo,”.