Ciidamada Qaranka Oo Shalay Baacsaday Maleeshiyaad Ka Tirsan Falaagada SSC Iyo Maxaabiis Laga Qabtay

2
1014

 

ciidankLascanod(Geeska)-Ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan gobalka Sool, ayaa shalay baacsaday koox ka mid ah maleeshiyaadka SSC ee nabad diidka ah, kuwaas oo weerar gaadmo ah ku soo qaaday.

Ciidamada Qaranka ee ku sugan higlada oo u dhaxaysa Tukaraq iyo Gambadha oo gobalka Sool ah, ayaa waxa shalay weerar gaadmo ah ku soo qaaday maleeshiyaadka ka tirsan kooxdaas, kuwaas oo ka tagay magaalada Buhodle ee xarunta gobalka Buuhoodle. Hase yeeshe ciidamada qaranka oo ka war hayay weerarkaas gaamada ah ayaa u diyaar garoobay, waxaanay kooxdaas u dhigeen cashar lama ilaawaan ah.

Saraakiil ka tirsan ciidamada qaranka ayaa sheegay in kooxdaas laga qabtay 7 Maxbuus, tiro dhimasho ah oo la gaadhsiiyay iyo dhaawac 11 ruux ah, halka ciidamada qaranka ay ka dhaawacmeen saddex askari. Waxaanay ciidamada qaranku xalay u hoydeen halkii ay shalay joogeen, maleeshiyaadkiina waxay ku noqdeen goobihii ay ka yimaadeen.

Waxa jira warar soo baxaya oo sheegaya in maleeshiyaad ka tirsan maamulka Puntland ay iyaguna ka qayb galeen dagaalkaas.

Maaha maarkii u horaysay ee ay ciidamada qaranka soo weeraraan kooxdaas oo ka soo horjeedsatay baaqii nabadeed ee uu Madaxweynaha Somaliland u fidiyay gobalada bari.

Comments are closed.