Imtixaankii Qaranka Ee Fasalka Labaad Ee Dugsiga Sare Oo Fashilmay

0
1009

 

samHargeysa(Geeska)-Imtixaankii shahaadiga ahaa ee fasada labaad ee dugsiyada sare ee Somaliland ayaa maanta dib uga bilaabmaya dalka, ka dib markii dugsiyada qaarkood aanay shalay u fadhiisan wax imtixaan ah.

Waxa soo baxay inuu fashil ku yimid imtixaankii oo lagu arkay suuqyada kala duwan ee dalka, waxaana shalay dibad baxyo ay ka dhaceen qaar ka mid ah dugsiyada sare ee magaalooyinka Borama iyo Burco oo ay ardaydu gadoodeen, ka dib markii ay maamulka waxbarashada ee gobaladaasi isku dayeen inay joojiyaan imtixaanka oo suuqyada lagu arkay. Qaar ka mid ah dugsiyada Hargeysa ayaan iyaguna shalay gelin imtixaanka maadadii dambe ka dib markii laga war helay faashilka ku yimid imtixaana, laakiin kuwo kale ayaa u fadhiistay.

Imtixaanka oo bilaabmay Sabtidii toddobaadkan, waxa la sheegayaa inuu gebi ahaantiiba yaalo suuqyada magaalooyinka dalka. Weriye ka tirsan Wargeyska Geeska Afrika ayaa indhihiisa ku arkay qaar ka mid ah maadooyinka aan weli la gelin oo qaarkood maanta la galayo kuwaas oo xalay la isla dhex marayay suuqyada Hargeysa. Maadooyinka uu weriyahani arkay waxa ka mid ah Biology iyo Carabi oo maanta la galayo iyo Physics oo isna beri la galayo. Xafiiska imtixaamaadka qaranka oo aanu isku daynay inaanu xalay la wax ka weydiino sababta faashilka keentay ayaanay noo suurtogelin. Hase yeeshe waxa ay arrintani ceeb ku tahay xafiiska imtixaanaadka qaranka oo isagu qaabilsan hawshan. Inkastoo ay tahay markii u horaysay ee inta la ogyahay la helo imtixaanka qaranka, haddana waxa muddo dheerba jirtay xan la xidhiidha in imtixaanku suuqyada ugu baxo si tuugo ah.

 

Faashilka imtixaanka ayaa niyad jab ku ah ardayda dedaalka badan ee iyagu sida hufan ugu soo diyaar garoobay inay si xalaal ah ugu fadhiistaan imtixaanka, kuwaas oo ay adagtahay inay mar dambe aaminaan sida loo qaadi karo imtixaan xalaal ah oo aan si tuugo ah suuqyada dalka ugu bixin.