Casiirka Laga Sameeyo Basasha Oo La Ogaaday In Daawo Fiican Uu Ka Yahay Bidaarta

0
1563

Picture8Sydney (Geeska)- Cilmi baadhayaal u dhashay dalka Australia ayaa daraasad ay sameeyeen ku ogaaday in basasha oo laga sameeyo muudkeeda casiir dawo aad u waxtar badan ka tahay bidaarta. Sida ay sheegeen khubarada daraasaddan samaysay muudka basashu waxa uu keenaa in timuhu dib uga soo baxaan madaxa meelihiisa ay ka guureen ee bidaartu gashay.

Dr. Mike Saladin oo ka tirsan jaamacadda Tasmania ayaa isaga oo natiijada cilmibaadhistan ka hadlaya waxa uu yidhi, "In kasta oo aanay jirin dawo la dammaanad qaadi karo oo ay leedahay bidaartu, gaar ahaan marka uu qofku doonayo in uu isticmaalo daawo aamin an oo aan ku yeelan raad kale oo taban isla markaana ilaalisa lafta iyo maqaarka madaxa iyo in kasta oo weli loo baahanayo in la sameeyo baadhitaanno dheeraad ah si loo xaqiijiyo in basasha ay ku jirto faa'idada laga hadlay, haddana daraasad dheer oo la sameeyey kala badh dadkii baadhitaanka lagu sameeyey ee bidaarta lahaa kadibna isticmaalay casiirka basasha waxa la arkay in timihii mar labaad ka soo baxeen goobihii ay ka guureen"

Waxa xusid mudan in gebi ahaanba daawooyinka loo sameeyey in ay bidaarka baab'iyaan awoodi waayeen in ay soo celiyaan gebi ahaanba timaha qofka ka guuray balse kuwooda ugu fiicani ugu badnaan kala badh soo celiyaan, waana sababta keentay in muddooyinkan dambe dadka bidaarta in ay qariyaan jeceli ay maraan nidaamka ah in lagu sameeyo qalniin timo dib madaxood loogu beerayo.