Madaxweyne Siilaanyo Oo La Sheegay Inuu Laalay Go’aankii Ay Guddi Wasiiro Ahi Ka Soo Saartay Baliga Diiriye Guuleed Ee Burco Oo Ay Beelo Isku Khilaafeen

0
702

Picture7Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axed Maxamed Siilaanyo, ayaa la sheegay inuu joojiyay oo uu laalay go’aankii ay dhawaan guddi wasiiro ahi ka soo saareen murankii ka taagnaa Baliga Diiriye guuleed ee waqooyiga Burco oo u dhexeyeay laba beelood oo walaalo ah. Madaxweyne Siilaanyo ayaa barqadii shalay xarunta madaxtooyada ku qaabilay ergo ka socotay Beesha Cabdale Arab, oo uu horkacayay suldaanka Cabdalle Arab Suldaan Maxamed Ismaaciil Jaamac, waxaanay odayaasha iyo suldaanku Madaxweyne Siilaanyo u bandhigeen tabasho iyo cadaalad darro ay sheegeen inay ka tirsanayaan go’aankaas wasiiradu gaadheen, waxaanay Madaxweynaha u sheegeen inay taariikh dheer ku leeyihiin beel ahaan deegaankaas. Waxay Madaxweynaha u soo jeediyeen inuu laalo go’aankaas wasiiradu gaadheen.

Sida ay ilo xogogaali sheegeen Madaxweyne Siilaanyo oo aad u dhagaystay ergada odayaasha ah ayaa la sheegay inuu u sheegay inuu ka aqbalay codsigooda, waxaanu sheegay inuu joojinayo go’aankaas golaha wasiirada islamarkaana uu maanta abaabulayo ergo guurti ah oo goobtaas baliga ah booqasho ku tagta, kana soo saarta go’aan cusub. Waxaanu odayaasha ka socday inay is dejiyaan islamarkaana ay ku kalsoondaan ka madaxweyne ahaan. Ergada guurtida ah ayuu Madaxweynuhu sheegay inay noqon doonaan xubno culus oo ka mid ah golahaas odayaasha.

Odayaasha ayaa la sheegay inay soo dhaweeyeen go’aanka Madaxweyne Siilaanyo, waxaanay sheegeen inay ka war sugayaan ergada guurtida ah iyo bilowga hawshooda.

Kulanka waxa madaxweynaha ku weheliyay madaxweyne xigeenka Md. Saylici, xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), taliyaha Booliska sareeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, wasiirka diinta yo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi, guddoomiya hay’adda NDC Md. Jamaal Caydiid Ibrahim iyo agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha Md. Cabdillaahi Ismaaciil Faarax.

Baligan Diiriye Guuleed, ayaa waxa uu isku khilaafay beelaha Cabdalle Arab  iyo Axmed Faaax ee Habarjeclo oo wada dega dhulkaas, waxaanu sababay dhaawaca qaar ka mid ah ciidanka iyo qaranka iyo dad shacab ah oo ka tirsan beesha Cabdalle Arab oo isku dhacay markii ay ciidamadu isku dayeen inay fuliyaan go’aankii ay wasiiradu gaadheen oo dhigayay in la baabiiyo deegaankaas iyo baliga.