Gabadh Uu Jeclaa Oo Uu Ka Sugayey Jawaabta Dalab Guur Oo Uu Gudbiyey, Darteed Ayuu Shil U Galay

0
815

Berlin (Geeska)- Ishaarada waddooyinka ee baabuurta kala hagta ayaa uu dhaafay iyada oo cas, laakiin markan wuu ku badbaaday qaladkaas, mar labaad ayuu dhaafay ishaaro kale oo casaanku baxayey, laakiin dacawo halka ay macal ka heshay macaluul ugu go'daa, markan uma uu nasiib badnaan sida markii hore.

Wiil dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Germany ayaa gaadhi uu watay oo xawaare sare ku socda ku dhaafay ishaaro ku taalla shaarac weyn oo ay baabuurtu ku badan tahay, wiilkan oo baabuurka joojin waayey markii uu dareemay in laydhkii casaa baxayo ayaa ay gaadhigiisii si xun isugu dhaceen baabuur kale. Booliiska dalka Germany ayaa sheegay darawalkii watay baabuurka kale oo da'diisu ahayd 43 jir la dhigay cisbitaal iyada oo ay xaaladdiisu aad u culus tahay, kadib markii baabuurkiisa uu ku dhacay baabuurka uu watay wiilkan soo dhaafay ishaaradu. Wiilkan Ishaarada dhaafay oo da'diisa lagu sheegay 25 sano ayaa markii uu booliisku qabtay kadib qirtay in uu dhaafay ishaaradan oo baxaysa isaga oo isla markaana soo dhaafay ishaaro hore balse aanu shil gelin marka hore.

Sida ay sheegeen bilayska magaalada shilku ka dhacay ee Dorthumond, baadhitaan kadib waxa ay booliisku ogaadeen in wiilkani uu ku ordayey gabadh uu jeclaa oo ay u ballan sanaayeen in uu ka soo qaato jawaabta dalab guur oo uu hore ugu gudbiyey. Booliiska ayaa kiis qayral masuulnimo ku qaaday wiilkan, waxa aanay ciqaabtiisu noqotay in laga qaado rukhsadda baabuur wadista, kiiskiisana waxa ay u gudbiyeen maxkamadda.