Carruurtaada  Ka Ilaali Fadhiga Badan, Si Ay Uga Badbaadaan Xanuunka Macaanka Iyo Buurnid

0
781

 

Xarunta wacyigelinta caafimaadka ee faderaalka Jarmalka ayaa soo saartay digniin caafimaad oo ay ku sheegayso in fadhiga badan iyo xarakaadka oo carruurta ku yaraadaa ay sababto buurni, xanuunka macaanka iyo dhibaato dhinaca fahamka maskaxda ah.

Digniinta xaruntan waxaa lagu sheegay isticmaalka ciyaaraha elektarooniga ah (Games) ee waqtiyadan dambe carruurtu aad u isticmaasho sida kuwa lagu ciyaaro taleefanka gacanta ee casriga ah, muraayadda Fiidyowga iyo kombiyuutarka ama qalabka kale ee loogu talagay in ay ka mid yihiin sababaha ugu badan ee carruurta ku keena in xarakaadkoodu yaraad, sidaa awgeed ay waajib ku tahay waalidiintu in ay xakameeyaan waqtiyada ay carruurtu u fadhiyeyso ciyaartooda. Isla markaana ilmaha lagu dhiirrigeliyo in uu waqtiyada qaar bannaanka ama hawo furan ku ciyaaro.

Waxa ay digniintu sheegaysaa in ilmuhu uu celcelis ahaan waqti aan ka yarayn hal saac iyo badh maalinkasta ciyaaro ama xarakaad jidheed sameeyo, iyada oo tusaale u soo qaadatay jimicsiyada jidh dhiska ee da’da ilmaha ku habboon.

Xarunta wacygelinta caafimaadka ee federaalka Jarmalku waxa ay digniinteeda ku sheegtay in jidh dhiska ka sokow, in ciyaaraha jidh dhiska oo ay ka mid tahay ku ciyaarista baaskiilka, dabbaasha, orodka, iyo noocyada kubaddu ay ilmaha baraan dulqaadka, maskaxdana isu dheellitiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here