Warbaahinta Dalka Ruushka Oo Warbixino  Ka Qortay Damaca Dalkooda Ka Haya Xeebaha Berbera

0
925

 

 

Hargeysa(Geeska)-Warbaahinta Dalka Ruushka ayaa maalmihii u dambeeyay si weyn u baahinaysa wararka sheegaya in dalka Ruushku uu indhaha ku hayo magaalada Isataraatajiga ah ee Berbera oo uu doonayo inuu ka samaysto saldhig Milatari.

Labada warbaahinood ee laga leeyahay dalka Ruushka ee kala ah Telegraf oo iyadu wararkeeda ku baahisa luuqada Ruushka iyo Russian Business Today oo iyaduna ku baahisa wararka luuqada Ingiriisida, ayaa qoray in dawladda Ruushku ay si weyn indhaha ugu hayso magaalada Berbera ee Somaliland.

RBT

Russian business Today, ayaa iyadu sheegtay in dalka Ruushku uu kor u qaaday dhaqdhaqaaqyada uu ku doonayo inuu saldhig kaga samaysto magaalada Berbera, waxaanay warbixintu sheegtay in arrintan Berbera ay timid iyadoo uu wada hadal dhex maray madaxda Ruushka iyo Ereteriya oo ku saabsan sidii uu Ruushku xarumo isgaadhsiineed oo Saadka ah uga samaysan lahaa Ereteriya.

Russian Bussines Today waxay sheegtay in haddii uu Ruushku talaabadan dhinaca Berbera u qaado uu ku biirayo dalalka Shiinaha iyo Maraykanka oo iyaguna saldhigyo ku leh xeebaha dalka Djibouti oo aanay masaafad badan isu jirin Berbera.

Telegraf

Warbaahinta Telegraf ee wararkeeda ku baahisa afka Ruushka, ayaa iyaduna qortay warbixin ay ciwaan uga dhigtay “Ruushku wuxuu doonayaa inuu saldhig milatari ka samaysto Berbera.”, waxaanay Telegraf soo xigatay warbixintii uu toddobaadkii hore qoray wargeyska caanka ah ee The New York Times ee lagu soo bandhigay in Ruushka uu damac ka hayo xeebta Berbera.

Warkan wargeyska Telegraf ayay warbaahin kale oo badan oo Ruushka laga leeyahay soo xigatay.

Ruushka iyo Somaliland

Ma jiro war rasmi ah oo ay dawladaha Ruushka iyo Somaliland ka soo saareen wararkan, laakiin wargeyska caanka ah ee The New York Times, ayaa toddobaadkii hore qoray warbixin uu ciwaan uga dhigay “Ruushka oo saamayn sii kordhaysa ku leh Afrika iyo Reer  Galbeed badan oo ka werwersan.”, waxaanu warbixintaas ku sheegay in dalka Ruushku uu xidhiidho badan la sameeyay Afrika, kuwaas oo uu kaga samaystay kalsooni.

Wargeyska oo soo xiganaya saraakiil Maraykan ah oo ka tirsan waaxda gaashaandhiga ee Maraykanka, wuxuu sheegay in meelaha uu Ruushku isha ku hayo ay ka mid tahay dekedda Berbera ee Somaliland, “Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigu, madaxda Ruushku waxa ay isha ku hayaan dekedda Berbera inay u noqoto goob ay kaga samaystaan saldhig xeebta Somaliland oo dhacda Gacanka Cadan. Shiinaha iyo Maraykanka, oo saldhigyo ciidan ku leh Jibuuti, waxa ay la wadaagaan isla xeeb dekedda ay suurtagalka tahay in Ruushku dego.” Sidaas ayay tdhi warbixinta wargeysku qoray.

Warbixintu waxay sheegtay in saraakiisha Maraykanku ay lafo-gur ku samaynayaan wax ay ugu yeedheen tartan weyn oo awood leh, waxaanay sheegeen inay si dhow ula socdaan saamaynta Ruushka ee sii kordhaysa ee Afrika iyo weliba dalka Shiinaha, iyadoo Washington la halgamaysa himilooyinka dhaqaale iyo amni ee ay ka leedahay qaaradda Afrika.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here