Iska Ilaali Isticmaala Badeecadda / Shiishadda Waxa Ay Dishaa Sambabada

0
785

 

Xeeldheereyaal caafimaad ayaa ka digay khatarta isticmaalka badeecadda (Shiishadda), iyaga oo sheegay dhowr jeer oo uu qofku jiidaa in ay toban laab ka khatar badan tahay xabbad sigaar ah oo uu nuugo. Marka laga tago khatarta buuriga shiishadda oo ka badan ta sigaarka, waxaa iyada u dheer bakteeriyada iyo xanuunnada oo lagu kala qaado marka dad kala duwani ay wada isticmaalayaan tuumbada badeecadda.

Majaladda ‘European Journal of case reports in Internal Medicine’ warbixin ay ka qortay khataraha caafimaad darro ee badeecadda waxa ay ku sheegtay in xaaladaha lagu arkay dadka badeecadda isticmaala uu ka mid yahay xanuunka Qaaxada (TB).

Bishii siddeedaad ee sannadkii 2019 kana daraasad ay samaysay jaamacadda California ee dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in biyaha badeecadda ay ku samaysmaan walxo aad u yaryar oo si fudud u raaci kara neefta laga nuugayo badeecadda kaddibna gaadha gunta hoose ee sambabada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here