Carruur Derbi Jiif Ah Oo Soo Saaray Wargeys Ay Dadka Ku Wacyigelinayaan Duruufahooda Nololeed Ee Qallafsan

0
697

1Delhi (Geeska)- Xad-gudubyo jinsi ah, jidh-dil, balwado maandooriye, duudsi, hiif iyo haaraan ay kala kulmaan, tuugta iyo booliiskii ilaalin lahaa qudhiisa, ayaa ah waxa ugu yare e aynu ka sheegi karno dhacdooyinka nolol-maalmeedkooda ka mid noqday ee ay la kulmaan carruurta derbi jiifka ah ee dalka Hindiya.

Wargeyska Balaknama – Codka carruurta, oo ka soo baxa magaalada xarunta ah ee Delhi waxaa maamula, ka shaqeeya oo soo saara carruurta dermbi jiifka ah, waxa aanu taagan yahay qaylo dhaan ay inta roon-rooni dadka iyo cid kasta oo ay khusayso ku baraarujinayaan silica haysta jaalkooda ka da’da yar.

Tifaftiraha wargeyska Balaknama, oo lagu magacaabo Shambhu waa 17 jir maalinta gelinkeeda hore ka shaqaysta baabuurta maydhistooda, si uu dhuuniga uu cunayo u soo saaro, galabtiina isaga iyo saaxiibbadii isugu yimaaddaan qol kharaabad ah si ay u soo saaraan cadadkii berri ee wargeyskooda. Isaga oo sababta ay wargeyska u soo saareen uga sheekaynaya wariye ka tirsan Talefishanka caanka ah ee Aljazeera ayaa waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Wargeyskani waa codkayagii aanu dadka ugu sheegaynay, duruufaha aanu ku jirno, kuna baraarujinaynay in noloshayadu ay qiimayn mudan tahay”

Tifaftire Shambhu waxa uu Aljazeera u sheegay, “Dadku aalaaba dan kama galaan carruurta derbi jiifka ah. Haddii la garaacayo, haddii la kufsanayo iyo xitaa haddii la khaarajinayaba, marar dhif ah baa naxariis iyo calool dabac loo muujiyaa”

Wargeyskani waxa uu leeyahay afar wariye oo muhiim ah iyo 64 war-ururiye oo subax kasta u foof taga in ay soo ururiyaan wararka iyo qisaska xanuunka badan ee derbi jiifka haysta. Waxaa suuuqa looga yaqaannaa ‘Baatooni’ oo macnaheedu yahay, ‘Hadal-badaneyaashii’. Marka ay qisas kale waayaan Hadal-badaneyaashani waxa ay dib u qoraan qisaska noloshooda si uun ula xidhiidha ee ay wariyeyaasha caadiga ahi ku qoraan warbaahinta dalka ka soo baxda.

Ha u qaadan maadays iyo waraaqo ay carruuri ku faygarto, balse sida ay sheegayso warbixintan Aljazeera ee uu Geeska Afrika turjumay, waa wargeys ku hadla laba af, oo Hindi iyo Ingiriisi ah, waxa aanay maalintii soo saaraan 5 kun oo koobi, kharashka daabicistana waxaa ka bixiya urur maxalli ah oo lagu magacaabo Chetna, laakiin farogelin kale kuma darsado, “Wax kasta oo aanu baahinaynaa waa wax ka soo maaxday maskaxdayada da’da yar, tifatirkayaguna si buuxda ayaa uu u madax bannaan yahay” sidaaa waxaa Aljazeera u sheegay Shambhu. Isaga oo intaas ku sii daray, in ururkani uu arrintaas lacagta daabacista ah uun ka caawiyo.

Wargeyska subax bilaa lacag ayaa loogu qaybiyaa, meheradaha, booliiska, xarumaha garsoorka, haayadaha madax bannaan iyo kuwa dawladda iyo carruurta derbi jiifka ah. Waxa aanu sabab u noqday in carruur badan oo derbi jiif ahi shaqadiisa iyo mashquuliisa ku illaawaan balwadihii xumaa, ama uu geliyo hammi nololeed oo hor leh, kaas oo keena in ay dib ugu noqdaan qaab-nololeedkooda kana fikiraan sidii ay isu dhisi lahaayeen, qaar badan oo aan hore wax u dhiganna waxa uu u noqdayba dhiirrigelin ku kallifta in ay dib u galaan dugsiyo ugu yaraan akhris-qoraalka ka dhisa.

Jyoti oo ah 16 sano jir ayaa iyaduna ka mid ah afarta wariye ee muhiimka ah ee uu wargeyskani leeyahay, iyada oo qudheedu duruufaha dermbi jiifka uga sheekaynaysa Aljazeera ayaa waxaa hadalladeeda ka mid ahaa, “Waxa aanu baahinnaa ayaan darrooyinka ay carruurta derbi jiifku la kulmaan. Qof kastaa waa uu na garaacaa. Maqaaxiyaha cuntada lanooma ogolaado in aanu galno, xitaa haddii aanu haysanno lacag aanu ku iibsanno cuntada”

Inta badan carruurta ay xogta iyo wararka waayahooda la xidhiidha ka soo ururinayaan waa xashiish-ururiyeyaal aan abidkood iyagu Iskuul gelin, qaarkoodna waa shaqaale hoosaas sida addoonta loola dhaqmo oo ka hawlgala xarumaha tareennada, basaska iyo maqaaxiyaha yaryar ee jidadka hareerahooda ku yaalla. Halkaas ayaa ay Hadal-badaneyaashu ugu tagaan oo wararka kaga soo qaadaan.

Wargesyaka Balaknama-Codka carruurtu waa wargeys muhiim u ah derbi jiifka shaaracyada Delhi, waana cod-baahiyaha duruufahooda gaadhsiiya masuuliyiinta dawladda iyo dadka ladan ee masuuliyadda bulsho ka saaran tahay daryeelkooda.