“Haddii Aynu Dhamaanteen Qaadno Guulwadow Siilaanyo, Dawladuna Way Fadhiisanaysa”

1
4175

 

arWaxaan halkan aan salaam diiran usoo marinayaa dhamaan shacabka Somaliland , gaar ahaan inta jilicsan ee la kufaa kacaysa daruufa ku gudban.

 

Waxaan marka hore halkan ku cadeynayaa su,aal rag badan I weydiiyey oo ah walaal Maxmuud Raage haddii aad dawladan iska casishay , maxaad uga hadashaa arimaheeda. Waxaa mihiim ah in muwaadiniinta Somaliland ogaadaan in ay dawladnimadeena u tahay dan in aynu is tusaalayno, doodno, is mucaaridno, ama is dhaliilno iyada oo la ilaalinayo adaabta xiwaarka oo aan lays caayeyn. Haddii intaa la waayo oo aynu dhamaanteen qaadno Guulwadow Siilaanyo Aabihii Garashadow, dee  dawladuna waa iska fadhiisanaysaaoo fadhiid bay noqon, Marnaba anigu ma qabo in dhulkeena hooyo la geliyo dhibaato iyo qalalaase, ama lagu kaco dawlada, laakiin runtii kacaanka ayaa aad inoogu badan.

Waxaan kaloo jeclaa in aynu bedelno dhaqankii foosha xumaa ee aynu 24 sano ka hor la dagaalanay ee ahaa hadaad wax iga sheegto waan ku xidhayaa, Maanta waxaa ka dheregsan tihiin in Boqor Cismaan lagu xidhay sharci ah Wax ka sheegid madax qaran.  Oo la mid ah  tii waqtigii siyaad barre ee ahayd ku qosle kabtan kufay.

Billaahi baan idinku dhaariyey  imisa aya Kulmiye uu wax ka sheegay Daahir Riyaale iyo Marwadiisa hudo, maantana si sharaf badan ayuu Daahir u taageeray Dawladii Axmed Maxamed Gobanimo

Hadaan usoo dhaadhaco dulucda maqaalkaygan oo ah Madaxweyne bal isku day in aad Dhigaaga Ismaciil Cumar Gelle ku dayato, Waxaa an la safray Madaxweynaha 3 mar oo uu yimid Gobolka Sanaag , waxa uu u muuqday nin aad uga xun dhibaatada reer Sanaag ku qabaan wadada dheer ee isku Xidha Burco iyo Ceerigaabo, waxa ay ka sugayeen in uu arinkaa wax ka qabto , jawaabtii waxay noqotay, in uu Ka safeeyo reer Sanaag dawlada intii kaga jirtay, Qaarna uu xabsiga mandheera uu u jiido oo aan maanta moodo in uu bedelay godkii Jilacow ee Xamar. Halka halyeyga ismaaciil Cumar Geele uu wadadii Jabuiti soo gaadhsiinayo Lawya Cade oo maanta la Dhagax dhigay, sidoo kale ay Wadada Jigjiga iyo Wajaale noqotay Moto way halka aad ku dhibtoonayso wadada isku xidha Wajaale iyo Gabilay,Talo waxay dawlada maanta jirta kaga ururtay WAAN KU XIDHAYAA WAAN KAA ADKAHAY

Ugu danbeyntii waxaa leenahay Hanbalyo Madaxweyne Ismaciil iyo shacabkiisa , wadadaasi inagana waxtar bay inoo noqon shacabkayga madluunka ah waxaan leeyahay Hal aynu  nin ku baranay , hal inaga ba,ay maaha, waxaynu ka fiirsan doonaa doorashada danbe in aan ninkale qeyd inoo soo tolan.

MAXAMUUD RAAGE IBRAHIM

UK BIRMINGHAM

Comments are closed.