Cali-Gurey Oo Ka Baxay UDUB, Kuna Biiray UCID

0
701

Picture6Hargeysa(Geeska)-Afhayeenkii hore ee xisbiga UDUB Md. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey) ayaa ku dhawaaqay inuu si rasmi ah ugu biiray xisbiga UCID, kana digo rogtay xisbigii UDUB.

Md. Cali-Gurey, oo shalay ka qayb galay munaasibad magaalada Borama loogu sameeyay wefti uu hoggaaminayo murashaxa madaxweyne ee xisbiga UCID oo Borama safar ku tagay, wuxuu sheegay in ka dib markii uu xaaladda dalka indho-indheeyay uu go’aansaday inuu ku biiro UCID, “Anigu markaan xaaladda dalku ku jiro eegay ee aan arkay inay dad badani ku hungoobeen isbedelkii ay saadaalinayeen, markaan eegay xaaladda xisbiyada qaranka ee aan eegay ururada siyaasadda, waxaan ka wadi waayay UCID. Sidaas daraadeed waxaan halkan ka cadaynayaa inaan maanta ku soo guuray aniguna UCID.” Ayuu yidhi Cali-Gurey, waxaanu la hadlay reer Awdal, “Waxaan leeyahay anigu u kala abtirin maayo reer Borama ee waan wada tirsanayaa.” Ayuu yidhi Cali-Gurey.

Toddobaadkii hore ayuu Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey) si rasmi ah iskaga casilay xilkii afhayeenka xisbiga UDUB ee uu mudada soo hayay.