Gabadhu ninka ka qosliya ayaa ay toban-laab ka Jeceshay kana door biddaa ninka xarragada iyo quruxda badan: Diyaariye Kamaal Ahmed Ali

0
1403

Laughing WomanNinku marka uu kulanka ugu horreeya la yeelanayo gabadh qurux badan oo uu damac ka hayo waxa ugu horreeya ee uu ka fikiraa waa in uu gabadha ku indho daraan dariyo xarrago iyo in uu uga warramo qisas xul ah oo astaan u ah waayo aragnimadiisa iyo heerka fiican ee uu ka taagan yahay shaqada uu hayo, laakiin arrimahaas oo dhami uma dhigmaan qosolka oo ah hub si sahlan u soo jiidan kara qalbiga gabadha, gabadhu haddii ay mar jeceshay ninka quruxda badan ama xarragaawiga ah waxa ay toban jeer jeceshay ninka ka qosliya. Khubarada cilmi nafsigu waxa ay sheegeen in tamarta iyo xiisaha uu qosolku gabadha ku abuuraa uu ka badan yahay kana awood badan yahay ka kelmadaha haasaawaha ah ee dabacsani ku abuuraan.

1- Naftaada xaqir: Ragga qaar haddii ay u haystaan in gabadha ay kula kulmaan muuqaalka shakhsi habaysan oo isu dhamaystiran wax ceeb ahina aanay ka muuqan, waxaa ay taasi ka hor imanaysaa natiijada daraasadaha cilmi nafsiga ee xaqiijinaysa in gabadhu ay ninka ku dhowaato aadna u xiisayso marka ay u fahamto in uu yahay qayb ka mid ah oo aan dhamaystir helayn haddii aanu iyada helin, sida aanay iyaduba dhamaystir u helayn haddii aanu isu dhamaystirmin. In ay hesho qof dhamays ah oo iyadu uun ay ku tiirsanaato waxa ay nafsiyan ka jeceshay in ay hesho qof midkoodba kan kale dhamaystirayo. Sidaa awgeed ninka oo is xaqira isuna muujiya in garab ka maqan yahay waxa uu si sahlan u kasban karaa qalbiga gabadha marka la barbar dhigo ninka uga warrama ama isugu muujiya qof aan dhanna nusqaan ku lahayn.

2- Barinimada ubadka oo kale: Ragga qaar ayaa jecel in ay gabadha u muujiyaan canaadnimo iyo qallafsanaan iyaga oo ka cabsi qaba in ay gabadhu daciifnimo ka dareento, laakiin waxaa ka maqan ninka sidan u fikiraya in hooyonimadu ay tahay dareenka ugu saamaynta badan gabadha, cidda ugu badan ee qalbigeeda farxadda ku beerta kana qoslisaana ay tahay ilmaheeda yar. Sidaa awgeed ninka xariifka ahi waa ka gabadha ula macaamila sida ilmaheeda yar ee haddii uu ugu weynaado ah 9 jirka.

3- Kaftanka iyo ereyada lagu qoslo: Rag badan qaladka ugu weyn ee ay galaan waa iyaga oo u qaata in sheekooyinka iyo ereyada ka qosliya saaxiibbadii ama dadka ay isku shaqada yihiin ay sidoo kalana ka qoslinayaan xaaskiia, markaasuu maanta oo dhan isku mashquuliyaa in uu hadba uga warramo ereyo iyo kaftanno xilligii uu shaqada ku jiray dhacay oo lagu qoslay, nasiib darro gabadhu halkii  ay kaga qosli lahayd waxa ay u qaadataa in uu danaynayo shaqada iyo dadka shaqada. Sidaa awgeed ninku ha ku dadaalo in uu gabadha uga warramo wax ka baxsan shaqada dadka jooga hadalladii ay is dhaafsadeen, kaftanno hor leh iyo qisas aan xidhiidh la lahayna ha uga sheekeeyo, weliba ha ka taxaddaro in uu hal sheeko ama kaftan dhowr jeer oo kala duwan ku soo celceliyo, waayo taasi gabadha waxa ay ku riddaa niyad jab iyo caajis.

4- Dagaallada maadayska ah: Faro ka ciyaarka fudud ee maadayska ahi waxa uu gabadha ku beeraa ruux firfircooni iyo kalgacal badan, barkimooyinka oo la isku tuuro iyo biyaha yar ee la isku cabsi geliyaa ama la isku shubaa  waxa uu jawiga gabadha ku soo celiyaa farxadda iyo xiisaha jacaylka ay u qabto ninka, waxaanu ku beeraa kalgacal ay u qabto in xidhiidhku noqdo mid abadiya ah.

5- Haddii kale: Haddii hababka kor ku xusani ay gabadha ku beeri waayaan farxad ama aad aragto in aanay ku beerin xiise jacayl iyo soo dhowaanshiyo dheeraad ah, xalka keliya ee kuu furani waa in aad baadho bal waxa ay asal ahaanteedaba ku qososho ama ku nafisto. Weliba waxa aad ogataa in ninka oo gabadha weydiiya waxa yaabaha ay ku qososho ama ka heshaa ay su’aaliddaas oo keliyi gabadha ku beerayso farxad dheeraad ah iyo dareen ah inaad danaynayso.