Calaamado Aad Ku Garan Karto In Talefankaaga Gacanta La Dhegeysto

0
883

1Muddooyinkan dambe waxaa aad u fudud in qof ama dhinac uun dan lihi uu dhegeysto talefankaaga gacanta, gaar ahaan marka talefanka loo diro in uu ugaadhsado kelmado gaar ah oo la baray, kadibna marka uu maqlo uu si degdeg ah codka u duubayo una dirayo ciddii lahayd. Tusaale ahaan waxaa muddooyinkan dambe soo baxaya in talefannada gacantu ay awoodaan in ay duubaan ama nuskhada ka sameeyeen kelmado si gaar ah loogu diray oo aalaaba ay ka mid yihiin: Argagaxiso, Qarax, Shil, dil, hub, Maandooriye, Qarax, hub, maandooriye iyo maalaayiin kelmadood oo la mid ah.

Marka uu qofka talefankiisa la dhegeysanayaa ku hadlayo waxaa durbadaba xarunta sirdoonnka, booliiska ama cidda kale ee dhegeysanaya laga arkaa ishaaro sheegaysa in talefan lagu daba jiray lagu hadlayo, waxaa sidoo kale markaba shidma shaashad laga arkayo lambarka iyo codkii oo haddii loo baahdo la duubi karo.

Qormadan oo uu Geeska Afrika turjumay waxa aynu ku eegaynaa calaamado haddii qofku uu ku arko talefankiisa gacanta u muujinaya in talefankaas la dhegeysto, waxa aana ka mid ah:

1. Codka qofka kula hadlayo oo aad ka dareento gariir, lulan kor iyo hoos ah iyo dhawaqa oo soo noqnoqda.

2. Cod foodhi oo kale ah oo aad mararka qaar maqasho, taas oo timaadda marka qofka ku dhegeysanayaa uu sameecadda shito.

3. Qofka aad la hadlayso oo codkiisu aad u fogaado. Sida ruux meel dheer ka hadlaya.

4. Cod hawo iyo dabayl oo kale ah, oo inta badan la maqlo marka qofka ku dhegeysanayaa uu isticmaalayo xadhkaha dhegaha.

5. Mararka qaarkood oo aad maqasho codka qof ama dad kale oo aan ahayn kan aad la hadlayso.

Haddii aad xaaladahan dhegeysiga lagu garto ka dareento talefankaaga waxa aad isku daydaa in isla marka aad aragto aad adiga oo talefankii ku jira eegto shaashadda talefankaaga, waayo qofka ama cidda ku dhegeysanaysaa aalaaba cod keliya kuma koobna ee waxa ay sidoo kale ku gudo jirtaa talefakankaaga si ay uga baadho faylal iyo sawirro anfaca, sidaa awgeed waxa aad arkaysaa talefanka oo cuslaaday oo haddii aad is tidhaahdo fayl fur aan furmayn ama si culus u furmaya.