Xayawaanno Garaad Badan: Faahfaahinta Cilmiga Ah Iyo Qisas Xiise Badan Oo Tusaale Ah

0
625

1Washington (Geeska)- Waxaa jira dad badan oo si gaar ah u xiiseeya la macaamilka iyo koolkoolinta xayawaanka, tirokoobyo la sameeyeyna waxa ay daahfureen in boqolkiiba 62 dadkani ay aaminsan yihiin in xayawaannada guryaha lagu rabbaystaa ay fahmaan hadalka dadka rabbeeyey, oo weliba ay ka dareen celiyaan. Laakiin dadkan waxaa ka sii fog natiijada daraasad ay xeeldheerayaal kala duwani sameeyeen oo daahfurtay in xayawaannada ay ka mid yihiin, Eyda, Daanyeerrada iyo Hoonbaradu ay fahmi karaan luuqadda ishaarooyinka ee jidhka aadamaha.

Steven King oo ah saynisyahan 63 sano jir ah oo ku xeeldheer cilmiga Kiimikda ayaa sheegay in isaga iyo eygiisu ay si weyn isu fahmaan, midkood kastaana dareemo shucuurta kan kale, sida marka uu cadhaysan yahay, marka uu farxsan yahay iwm.

Cilmibaadhis ay samaysay xarunta German Primate Center ayaa ey lagu magaacaabo Rico oo tijaabo lagu sameeyey lagu ogaaday in uu awood u leeyahay in uu kala garto magacyada in ka badan 200 oo shay, halka tijaabo kale oo lagu sameeyey ey laga leeyahay dalka Ingiriisku ay muujisay in uu fahmi karo in ka badan 120.

Qormo lagu baahiyey shabakadda Huffington Post oo uu Geeska Afrika turjumay ayaa sheegaysa in tijaabo kuwan la mid ah oo uu sameeyey Reid John Bely oo Bare-sare ka ah kuliyadda Alston uu sheegay in eygu uu awoodo in uu kala garto Kun iyo 22 (1’022) magac.

Khubaradu waxa ay sheegeen in xayawaannada la rabbeeyo la bari karo kelmado kala duwan oo ah afka ruuxa dhaqday, kuwaas oo uu si fiican xayawaanku u fahmo, sida keen, qaad, taabo iwm.

Xayawaannada kale ee ay tijaabooyinka cilmiga ahi muujiyeen in garaadkoodu gaadhsiisan yahay eher ay si fiican u fahmi karaan ereyo ka mid ah hadalka, isla markaanka ka fal celin karaan waxaa ka mid ah Fardaha. Sida ay khubaradu ku sheegeen daraasaddan, sannadkii 1891kii ayaa tababare fardaha ahaa oo caan ahaa uu faraskiisa si fiican u baray in badan oo hadalka ka mid ah iyo t ka sii yaab badan oo ah in faraskiisa uu baray in uu ka jawaabi karo hadalka, isaga oo adeegsanaya hannaan u gaar ah oo ugu yaraan lagu fahmi karo in uu fahmay hadalka la yidhi, waxaa ka mid ahaa in marka amar la siiyo uu qoobkiisa dhulka ku dhufto.

Arrinta kale ee tijaabadaas ka soo baxday ayaa ahayd in farasku uu hadalka qofka fahmi karo oo keliya marka uu hortaagan yahay, oo haddii aanu arkayn qofka hadlaya aanu hadalkana waa dareen celin ah ka samaynayn, waxa aanay halkas khubaradu kala soo baxeen in fahamka xayawaankani uu aad ugu xidhan yahay ishaarooyinka uu qofku bixinayo, in ka badan inta uu ku xidhan yahay fahamka ereyada dibnihiisa ka soo baxaya.