Saadaasha Cilmi Falagga Ee Sannnadka 2017 Saadaalo kale iyo sannadka 2017 (Q. 7)

0
570

– Sida ay saadaalinayaan dadka arrimaha siyaasadda lafaguraa waxaa jira cabsi laga qabo in sannadkan ay xiisado siyaasadeed iyo kacdoonno in ay ka dhacaan dalalka Muritaaniya, Aljeeriya iyo Tuuniisiya, iyaga oo dadka qaar cabsidoodu gaadhsiisan tahay heer ay ku masalaan waxa ka dhacay Suuriya. Gaar ahaan dhinaca dalka Tuuniisiya oo ay dadk qaar saadaalinayaan cabsida laga qabo in sanadkan ay ka dhacaandagaallo sokeeye oo ku salaysan Shiico iyo Sunni, taas oo ah xaalad guud oo uu dalkaasi la qabo guud ahaanba dalalka Bariga dhexe.

Kooxaha xiddigiska iyo sannadka 2017

Suuriya: Sannadka 2017 ka waxa ay kooxaha xidigisku malo-awaalayaan in dagaallada lagu hoobtay ay sii socon doonaan, illaa heer bariga dhexe marka la soo qaado lagu xasuusan doono colaadda Suuriya.

Suuriya: Xidhiidhka Turkiga iyo Yurub

Waxa ay xiddigiyeyaashu saadaalinayaan in khilaafka Suuriya uu sannadkan sii xoogaysto, gaar aahaan dhulka ay Sunigu degaan ee deegaanka Xalab ka mid yahay, waxa aana ka dhalan doono qaxoonti Suuriyaan aad u tiro badan ah. kaas oo mar kale soo celin doonta khilaafkii Turkiga iyo Yurub kadib marka ay dib u bilowdaan mawjado dad reer Suuriya ah oo u qaxaya dhinaca Yurub. Yurub oo ku doodaysa in Turkigu uu jebiyey heshiiskii hore uu ula galay Yurub ee la xidhiidhay in Turkigu uu xakameeyo qaxoontiga u soo gudbaya Yurub, halka uu Turkiguna dhankiisa ku doodi doono in heshiiskaasi aanu shaqaynayn maadaama oo Yurub ay dhankeeda Turkiga kaga baxday qodobbo uu ka mid yahay in laga wada hadlo sidii Turkigu ugu biiri lahaa midowga Yurub. Heshiiskaas oo si fiica u shaqeeyaana uu ku xidhnaan doono sida Yurub ay dhankeeda uga soo baxdo shuruudaha Turkigu ka rabo oo ay ka mid tahay in laga dhaafo fiisaha dadkiisu ku galaan Yurub iyo in lala sii wado wada hadallada ka mid noqoshada Turkiga iyada oo aan shardi lagaga dhigayn in uu wax ka beddelo xeerarkiisa argagaxisada.

Xiddigiyeyaashu waxa ay saadaalinayaa in ismari waaga Yurub iyo Turkiga ee arrintan la xidhiidhaa uu isla sannadkan ku dhmmaan doono tanaasul ka yimaadda dhinaca midowga Yurub.

Turkiga: Dalka Turkiga oo horumar ballaadhan oo dhaqaale, quwadeed iyo diblumaasiyadeed sameeyey tobankii sano ee u dambeeyey ayaa isaguna kor u sii socon doona.

Tahriibka: Saadaalaha ay xiddigiyeyaasha kala duwani sheegayaan ee uu Geeska Afrika soo ururiyey ayaa waxaa ka mid ah in ay sannadkan cirka isku shareerayso dhibaatada tahriibka ee Yurub, dad aad u badan oo ku qulqula iyo dalalka Yurub oo xal u helidda dejinta dadkaas isku fahmi waaya.

Gacanka Carabta: Loolanno adag oo siyaasi ah ayaa sannaka 2017 ka dhex qarxi doona dalalka carbeed ee ururka Iskaashiga gacanka Carabta iyo dalka Iiraan, iyada oo colaaddoodu sida imikaba jirta ku salaysnaan doonto kala jiidashada awoodda gobalka.

– Sannadkan Sucuudiga iyo xulafadiisa gacanka carabtu waxa ay sii wadi doonaan dadaalkooda ay ku doonayaan in ay ku saxaan suuqa saliidda oo si aad ah hoos ugu dhacay, waxaana la filayaa uu kor u kaco wax-soo-saarka saliiddu xilliga xagaagii taas oo aan u fiicnayn dalalka saliidda soo saara ee dantoodu ku jirto in qiimaha saliiddu kor u kaco. Si kastaba ha ahaato ee sannadkani aad uguma xuma dhaqaalaha dalalka Khaliijka oo muddooyinkan dambe shidaal jabku si weyn u dhaawacay.

– Sucuudigu waxa uu sii wadi doona taageerada uu dalka Baxrayn ku siiyo ka hortagga iyo joojinta shiicada mucaaradka dalkas u badan oo tan iyo sannadkii 2011ka kacdoonno siyaasi ah waday, laakiin dalka Baxrayn kuma guulaysan doono I uu mucaaradkaas meesha ka saaro. Dhinaca kalana dalka Iiraan ayaa isaga oo ka faa’idaysanaya xidhiidhka dhow ee uu la’ leeyahay shiicada Baxrayn waxa uu ku dadaali doonaa in uu sii huriyo cadhada I yo gadoodka dadka Shiicada ah ee Baxrayn iyo bariga dalka Sucuudiga.

Ruushka iyo Reer galbeedka: Xiddigiyeyaasha qaar ayaa ku andacoonaya in sannadka 2017ka uu cirka isku sii shareeri dooo is mari-waaga diblumaasiyadeed ee Ruushka iyo dalalka reer galbeedka. Waxa se ay ku heshiis ahaan doonaan qodobbo ay ka mid tahay in dalka Turkiga loo ogolaado in uu daraf ka noqdo wada xaajoodka nabadaynta Suuriya, si loo yaareeyo iska hor-imaadka danaha dalalka shisheeye ka leeyihiin dalka Suuriya. Waxa kale oo laga yaabaa in ay isku waafaqaan in la isla qaato isbahaysi xoog badan oo la dagaalama ururka DAACISH. Taas oo suurtogal ka dhigi doonta in la arko garaacis cirka ah oo ay si wada jir ah Ruushka iyo Maraykanku uga fulinayaan dalka Suuriya.

Si kastaba ha ahaato ee xiddigiyeyaashan uma muuqato in iskaashigan Ruushka iyo Maraykanku uu sannadkan meesha ka saari doono ururka DAACISH iyo ururrada taageera Al-QAACIDA.

Xulafada Maraykanka: Sannadka 2017 waxa uu Maraykanku waqti iyo dadaal badan ku bixin doonaa taageeridda xulafadiisa gobalka bariga dhexe oo muddooyinkii dambe aanu xidhiidhkoodu fiicnayn, tusaale ahaan dalalka Turkiga, Sucuudiga, Imaraadka, Qadar iyo Urdun ayaa uu ku xoojin doonaa isbahaysigiisa garaacya fadhiisimada DAACISH ee Suuriya, waxa kale oo uu dalalka ku taageeri doonaan in ay tababarro siiyaan qaar ka mid ah ciidamada mucaaradka Suuriya oo loo diro gudaha Suuriya si ay ula dagaalamaan ciidamada Bashaar Al-Asad. La soco………….