Cajaayibta Iyo Duqruusta Lagu Cibro Qaadanayo Ee Ku Duugan Makhluuqa Alla (5)

0
709

Hargeysa (Geeska)- Waa qormadii Shanaad ee taxane gaaban oo uu Geeska Afrika akhristayaashiisa afka Soomaaliga ugu soo beddelay qaybo ka mid ah buugga Cajaayibta Makhluuqa oo uu qoray Mansuur Bin Muxammed Ash-Shariidah.

Feejignaanta duqsiga: In duqsi la dilaa aad ayaa ay u adag tahay, waayo waa noole dareen feejigan leh, si dhaqso badanna u qaata go’aamadiisa, mar kastana dareenkiisa cadow iska ilaalintu taagan yahay. Cilmiga casriga ahi waxa uu daahfuray in maskaxda duqsigu ay maskaxda bani’aadamka kaga dhaqso bdan tahay fahamka iyo lafa-grka xogta ay hesho.

Khubarada oo si fasiraya sida ay maskaxda duqsigu uga feejigan tahay tan bani' waxa ay tusaale u soo qaateen in ilbidhiqsi toban meelood loo qaybiyey, meel ahaan gudaheed uu duqsigu ku awoodo in uu isu diyaariyo duulis, kadib marka uu garto in uu qofkaasi isaga ku soo maqan yahay.

Dhul gariirka: Mid ka mid ah saynisyahannada dhirta ayaa sheegay in aanay bixin iniinta ama siidhka kale ee dhulka lagu aaso si ay u soo baxaan, haddii aanu marka hore gariir yar oo khafiif ah dhulku samayn, markaas uu dhulku lulm ayaa uu dillaacaa siidhku oo uu geedka la dooonayaa soo baxaa.

Godadka xiddigaha: Dr. Zaqluul An-Najaar, oo ku xeel-dheer cilmiga xidigaha ayaa sheegay inay jiraan xiddigo waqti hadda kumannaan sano laga joogo ka soo go’ay halkii ay marka hore taagnaayeen oo illaa hadda aan dhulkana weli soo gaadhin.

Khiyaamada Maska: Nooc Masaska ka mid ah oo ku nool dhulka lama degaanka ahi, haddii uu gaajoodo, oo uu waayo wax uu cuno, waxa uu sameeyaa khiyaamo uu ku ugaadhsado shimbiraha feejigan. Inta uu kor u istaago oo inta dambe oo qudha dhulka ku hayo ayuu iska dhigaa sida qori yar oo dhulka ku taagan. Markaasaa shimbirku u qaataa in uu qori yahay oo uu damcaa in uu madaxiisa yar ee sare ku istaago, laakiin masku inta uu afka kala furo ayaa uu dalqada gashadaa shimbirka.

Shinnida: Shinnidu waxa ay isku garataa oo ay isugu soo habarwacataa, ur ama hormoon ay soo deyso boqoradda shinnidu oo urtiisa ay gartaan shinnidu kuna soo hagaagaan marka ay doonayso in ay dib ugu soo noqoto unugta ay ka tirsanayd. Arrinta yaabka lihi waxa ay tahay in haddii shinnida meel deggen ay soo dhex gasho xabbad kale oo shinni ahi, isla markaba ay urta ku gartaan kuwa kale, kadibna weerar adag lagu soo qaado illaa ay dhimanayso, arrintaas oo ay xeeldheerayaashu ku macneeyeen in shinnidu ay difaacayso boqoraddeeda iyo boqotooyada oo ay uga baqayso midhka soo galeetiga ahi in uu shar u wado. La soco…