3 Talo Oo Tuug Hawlgab Ahi Uu Siinayo Qof Kasta Oo Doonaya In Uu Helo Tab Uu Tuugta Iskaga Ilaaliyo

0
775

Qaahira (Geeska)- Tuug hore oo toobad keenay ayaa sameeyay khad (Line) Telefan oo mar kasta aad ka helayso isaga si uu talooyin wax ku ool ah kaaga siiyo iska ilaalinta tuugta iyo raadinta alaab lagaa xaday. 

Nin lagu magacaabo Maxammed Raashid oo ahaa tuug hore balse toobad keenay ayaa buug xusuus qorkiisa ah oo uu faafiyay waxa uu boggiisa dambe ku qoray lambar Telefan oo uu ku hoos qoray, “Haddii aad rabto in aad gurigaaga ka ilaaliso Tuugta Fadlan iigala soo xidhiidh Telefankan. Adeegan oo uu Raashid ku sheegay in uu yahay Bilaa lacag. Tuuggan hawlgabka ah oo u dhashay dalka Masar waxa kale oo uu buuggiisan ku qoray talooyin uu u soo jeediyay dadka raba in ay iska ilaaliyaan tuugta, talooyinkaas oo uu qaar ka mid ah soo turjumay wargeyska Geeska Afrikana waxa ay u dhignaayeen sidan.

1- Haddii aad rabto in aad guriga oo cidla ah ka tagto waxa aad ku dedaashaa in aad laamabad baxaysa ka tagto (Ilays guriga ka dhex ifaya) ama guriga (Qolka) kaga tag Raadyowga oo baxaya. Waxa uu Raashid sheegay in codkaasi uu baqdin galinayo tuuga oo ka shakiyaya in cidi ay gudaha joogto.

2- Haddii aad joogto goob ay dadku aad ugu badan yihiin, tusaale ahaan Istaannada baabuurta iwm. Waxa aad iska ilaalisaa qof kasta oo kuu soo dhowaada ama isku kaa xoqa ama dharkaaga mariya wasakh (Sida candhuufta) dabadeedna isku daya in uu kaa caawiyo nadiifintooda, haddii aad is tidhaahdo waa uu ku raali geliyay ee uga mahadnaq sida uu maradaadii u nadiifiyay ogow in jeebkaagiina uu nadiifiyey.

3- Haddii aad tahay damaaci waxa laga yaabaa in uu tuugu ka faa’idaysto damaacinimadaada oo tusaale ahaan u hortaada ku tuuro gal warqadeed ama kiish uu ka soo buuxiyay xashiish iyo waraaqo oo dushana ay ka muuqato warqad lacag ahi, haddii aad u foorarsato in aad qaadato waxa aad ogaataa intii aanad foorarsan ba in lagu baadhay, waxa kale oo dhici karta in inta uu tuugu kuu yimaaddo isaga oo iska dhigaya in uu adiga oo keli ah kula xashaashaqo in uu kugu yidhaahdo, “Waynu qaybsanaynaa ee inagee meel baydhsan oo dadka ka durugsan innagee. Haddii aad hadalkiisaa yeeshana waad arki doonta waxa uu kugu sameeyo, markaas ayaanad ogaan doontaa abaalka damaaciga.