Waxa Ay Dhakhtarta U Tagtay In Laga Jaro Qanjaha, Laakiin Waxa Ay Soo Baxday Iyada Oo Gacanta La Jaray

0
639

Riyaad (Geeska)- Muwaadinad u dhalatay dalka Sucuudiga oo da’deedu Labaatanaadkii ku jirto ayaa gacanta lagaga jaray cisbitaal ay u tagtay in uu ka soo saaro qanjaha. Gabadhan oo waraysigan uu Geeska Afrika soo turjumay siisay wargeyska Al-Madiinat ayaa waxa ay sheegtay in markii la geliyey qolka qalniinka ee cisbitaalka si looga saaro qanjaha uu dhakhtarku u sheegay in aanay ku qaadanayn wax ka badan 10 daqiiqo, laakiin uu waqtigii qalniinku gaadhay intii u dhaxaysay Sagaalkii subaxnimo illaa Lixdii fiidnimo, markaa kadibna si kedis ah loogu gudbiyey qaybta xaaladaha adag ee cisbitaalka si loogu gurmado wadnaha oo shaqada joojiyey awgeed.

Gabadhan oo ah 28 jir lagu magacaabo Siinah waxa ay sheegtay in ay aad u yaabtay markii inta ay soo miyirsatay ay gacanteeda bidix ku aragtay marada lagu duubo dhaawacyada (Goosta) oo ku duuban, waayo waxa ay fahmi kari weyday sababta arrintaasi daaran tahay, maadaama oo xaaladda ay u socotay aanay gacanta wax xidhiidh ah la’ lahayn. Gabadhan oo wargeyska u warrantay 48 saac kadib qalniinka ayaa sambabkeeda biyo lagu arkay, dhiigguna si aad ah kor ugu kacay, waxa aanay sheegtay in markii xaaladdeedu ay sii xumaatay loo gudbiyey cisbitaal kale oo kan hore ka weyn si qalniin labaad loogu sameeyo gacanteeda bidix kadib markii la arkay in gacanta u ay aad u yaraatay, kadib waxaa mar kale loo sii gudbiyey cisbitaalka weyn ee boqor Fahad si loogu sameeyo qalniin gacanta lagaga jarayo. Laakiin intii aan qalniinkan la samayn ayaa cisbitaalkii ugu horreeyey ee la geeyey loo diray dhambaal ah in uu keeno warbixintii gabadhan, nasiib darro cisbitaalkii ma’ uu soo jawaabin dhakhaatiirtii cisbitaalka Boqor Fahadna gacantii waxa ay ku jareen warbixin la’aan. Waxa aanay gooyeen inta hore iyo weliba qayb yar oo dhudhunka ah.

Gabadhani waxa ay sheegtay in markii ay cisbitaalka ka soo baxday ay cabasho rasmi ah u gudbisay waaxda arrimaha caafimaadka ee degmadii hawsheedu ka soo bilaabantay, markii la qancin waayeyna ay u sii gudubtay masuuliyiinta sare ee arrintani khusayso waxa aanay weli sugaysaa jawaabta su’aasha ay qabto ee ah in sababta gacanta loo jaray iyada oo qanjaha in laga jaro u timid cisbitaalka.