Cabitaannada Ku Habboon In Aad Subaxda Markaad Hurdada Ka Kacdo Maalintaada Ku Bilowdo

0
621

Dadka u diran caafimaadkoodu waxa ay marar badan ka fikiraan cabbitaanka caafimaad ahaan ugu fiican ee ay wanaagsan tahay in ay subaxda hore maalintooda ku bilaabaan, si ay uga badbaadaa dhibaatooyinka dheefshiid ama dhibaato kale oo caafimaad. Waa arrin ay muhiim tahay in qof kastaa uu is weydiiyo, maadaama oo ay marar badan dhacdo in cabbitaanno iyo cuntooyin ay naftu jeceshay ay khubarada caafimaadku caddeeyeen in ay caafimaadka u daran yihiin.

Qormadan oo aynu ka soo xigannay shabakadda Aljazeera ayaa ka jawaabaysa su’aalahaas, waxaanay soo bandhigaysaa saddex cabbitaan oo ay caafimaad ahaan fiican tahay in qofku uu cabbo saacadaha hore ee subaxdii marka uu hurdada ka soo kaco kaddib.

Biyaha

Waxa ay xeeldheereyaashu isku waafaqeen in biyaha oo subaxda hore la cabbo inta aan wax kale la cabbin ama la cunin ay ka mid tahay waxyaabaha ugu fiican caafimaadka jidhka. Xeeldheereyaasha nafaqada jidhku waxa ay tilmaameen in waxa uu jidhku ugu baahi badan yahay hurdada kaddib uu yahay in uu cabbo biyo. Waxaa lagu dari karaa laago liin dhanaan ah, ama goballo yar oo khudradda khayaarka loo yaqaanno ah.

Shaaha cagaaran

Shaaha cagaarani waxa uu leeyahay faa’iidoyin caafimaad oo tiro badan. Waxaa ku jira xaddi aad u badan oo ah maaddooyinka lidka sunta cuntada ka samaysanta ee jidhka u jirta.

Cilmibaadhiso lagu sameeyey waxtarka caafimaad ee shaaha cagaaran ayaa daahfuray in uu wanaajiyo heerka dheefsiga cuntada ama awoodda uu jidhku u leeyahay ka faa’iidaysiga cuntada, waxa kale oo uu caawiyaa in uu jidhku gubo dufanka.

Sharaabka Khudradda ah

Haddii aad caado u leedahay in aad subaxda hore cabto koob bun ah, fadlan ku beddel koob sharaab ah oo ka samaysan khudradda cagaaran. Curiyeyaasha nafaqo ee ku jira khudradda, gaar ahaan nooca caleenta ah, sida baytaraafka iyo koostada ayaa la ogaaday in maadadda ‘Xadiidka’ oo ku badan awgeed ay xoojiyaan heerka tamarta qofka, lana dagaalamaan daalka jidhka.