Sababaha Gabadha Ku Keeni Kara Khalkhalka Caadada, Iyo Talooyinka Ay Dhakhaatiirtu Bixinayaan

0
838

Dumar badan ayaa ka cawda xaaladda nidaamsani la’aanta caadada, oo waqtigeeda ka soo horumarta ama ka dib dhacda, ama isbedbeddel ku yimaaddo muddada ay soconayso iyo xaddigeeda. Haddaba waa maxay sababtu? Sidee se loogu maaro heli karaa?

Wareegga dabiiciga ah ee caadadu waa 28 maalmood, laakiin waxaa dhici karta in ay noqoto 24 illaa 35 maalmood, inta badanna muddadeedu waxa ay u dhexeysaa laba illaa toddoba maalmood, celcelis ahaanna waa shan maalmood.

Waxa ay dhakhaatiirta caafimaadka haweenku sheegayaan in nidaamsami la’aanta waqtiga caadadu uu arrin la filan karo yahay xilliga ay gabadhu waqtigaas uun qaangaadhay iyo waqtiga yar ee ka horreeya da’da caado goyska, sidaas awgeed haddii gabadhu ay xaaladdan oo kale isku waragto waqtiyadan waxa ay ku taliyaan in aanay muhiim ahayn in nidaam daweyn ah ay marto.

Sababa nidaamsami la’aanta caadada

  1. Khalkhal ku yimaadda isu dheellitirnaanta hormoonnada Estrogen iyo progesterone.
  2. Miisaanka oo aad u yaraada ama miisaanka dheeraadka ah iyo buurnimada badan.
  3. Jimicsiga jidhka oo lagu talaxtago.
  4. Daalka Nafsiga ah.
  5. Xanuun ama khlakhal dhinaca shaqada ah oo ku dhaca qanjidhka Tayroodhka ee dhuunta.
    6. Qaar ka mid ah hababka ka hortagga uuraysiga . waxaa ka mid ah rabadhka ay dumarka qaar isku xidhaan si dhalmada ay uga hortagaan, kiniinka loo isticmaalo ka hortagga dhalmada.
  6. Gabadha oo beddesha hab ay marka hore u adeegsanaysay ka hortagga ama xakamaynta uurka.
  7. Iyo khalkhal hormooneed oo ku dhaca gabadha, gaar ahaan ciladda ah in burooyin ku samaysmaan afka makaanka.
  8. Waxaa iyaduna jiri karta sababo dumarka u gaar ah oo ay ka mid tahay in gabadhu iyada oo aan is ogeyn uur leedahay, ama ilmo ka soo qubtay, xaalado caafimaad darro oo ka jira makaanka ama ogxaanta.

Talooyin

  1. Haddii ay gabadhu isticmaasho hababka uurka lagu kalaf ogeeyo xaaladdanna isku aragto waxa ay dhakhaatiirtu kula talinayaan in ay beddesho habka ay isticmaasho iyada oo la tashanaysa dhakhtarka takhasuska ah.
  2. Gabadha haddii uu miisaankeedu weynyahay waxa ay khubaradu ku talinayaan in miisaanka dhinto. Marka uu miisaanku inta dabiiciga ah yahay jidhku uma baahna in uu soo saaro Insulin dheeraad ah, taas oo yaraynaysa hormoonka Testosterone oo isaguna wanaajinaya fursadaha ogxaanta, waxa kale oo ay caawinaysaa daweynta xanuunka macaanka.
  3. Qanjidhka Tayroodhka oo ay ku timaaddo cillad ah in uu soo saaro xaddi badan oo hormoonka Thyroxin, kaas oo jidhka ku keena xaalado ay ka mid tahay miisaanka oo si kedis ah hoos ugu dhaca, garaaca wadnaha oo kordha, xaaladahaas oo haddii aan la daweyn keeni kara dhibaatooyin ay ka mid tahay aragga oo uu qofku waayo iyo wadnaha oo shaqada yareeya.
  4. Talo raadso: Waxa ay dhakhaatiirtu ku talinayaan in gabadhu ay xaaladdan oo kale raadsato dhakhtar nafsi ah oo ka caawiya fududaynta dhibaatooyinka nafsadeed ee ka dhasha xaaladahan oo kale.