Madaxweyne-Xigeen Saylici Oo Ka Tanaasulay Tartankii Kursiga 4aad Ee Hoggaanka KULMIYE

0
625

Hargeysa(Geesk)-Madaxweyne-xigeenka JSL Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil saylici ayaa ka tanaasulay tartanka kursiga 4aad ee hoggaanka xisbiga KULMIYE oo uu kula tartamayo wasiirka ganacsiga iyo wershadaha Maxamed Xasan Sacad (Saajin).

Ma jiro war rasmi ah oo uu mudane saylici ku xaqiijiyay tanaasulkan, laakiin warar xogogaala oo uu Wargeyska Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in madaxweyne-xigeenka iyo odayaal beeshiisa ka oo jeedaa oo xalay kulan la yeeshay madaxweyne Biixi ay u sheegeen in markii ay arrimo badan eegeen ka dib ay go’aan ku gaadheen in madaxweyne-xigeenku ka tanaasulo tartanka kursiga hoggaanka KULMIYE, waxaana la filayaa in madaxweyne-xigeenka iyo xubno ka tirsan hoggaanka KULMIYE ay maanta qabtaan shirjaraa’id oo ay ku xaqiijiyaan in madaxweyne-xigeenku tanaasulay.

Wasiirka ganacsiga wasiir Saajin ayaa muddooyinkan dambe waday tartan adag oo uu doonayay inuu madaxweyne-xigeen Saylici kula tartamo kursigaas, laakiin wuxuu hadda u muuqdaa inuu meel cidlo ah ka helayo kursigaas oo bilaa tartan ah.

Waxa faashil ku dhammaaday dedaalo badan oo laga dhex waday madaxweyne-xigeenka iyo wasiirkiisa oo la doonayay in la isugu soo dhaweeyo oo wasiirka ganacsiga lagu qanciyo inaanu la tartamin madaxweyne-xigeenka ee uu u tunaasulo.