Cabdi Bile Miyuu Diiday Inuu Qaado Calanka Somaliya?

0
597

London(Geeska)-Orodyahanka caanka ah ee Cabdi Bile Cabdi, oo ay jaaliyadda Somaliya ee London degeni u qorsheeyeen inuu qaado calanka Somaliya, furitaanka ciyaaraha Olambika ee habeen hore magaalada London ka furmay, ayaa si kedis ah uga baaqday inuu calanka Somaliya kor u qaado furitaankii ciyaarahan.

Mar qudha ayaa habeen hore telefishanada laga daaway calankii Somaliya oo ay sido gabadh ka mid ah labada ciyaaryahan ee dalkaas Somaliya uga qayb galaya ciyaaraha Olambikada, halka uu Cabdi Bile isna daba socday. 

Si rasmi ah looma sheegin sababta uu Cabdi Bile uga baaqsaday qaaditaanka calanka dalka Somaliya, waxase ka soo baxaya warar kala duwan. Dadka qaar ayaa sheegaya inuu qorshahan guddiga Olombikada Somaliya ee ahaa inuu Cabdi Bile calanka qaado, uu bedelay go’aan ay maamulayaasha ciyaaraha Olambikada ee London soo saareen oo ah inuu calanka dalka ka qayb galaya qaado mid ka mid ah kooxaha ciyaarayaa, halka ay markii hore ka ahayd inuu qaado calanka qofka ay kooxuhu u gartaan.  

Laakiin doodan oo ay baahiyeen kooxda Somaliya u qaabilsan Olambikada ee loo yaqaano GOS, waxa ka soo baxaya doodo badan oo laga bixinayo aragtidooda. Waxa Cabdi Bile Cabdi, ay kooxaha Olambikada Somaliya martiqaadkan u fidiyeen dhawr bilood ka hor, iyadoo ka soo casuumay dal ka baxsan Ingiriiska oo uu degenaa. Sidaas darteed waxa la isweydiin karaa miyaanay kooxahani hore u sii akhriyin sharciga ciyaaraha ee ay ogaadeen daqiiqadihii u dambeeyay.

Si kastaba ha ahaate, inkastoo aanay Jamhuuriyadda Somaliland ka qayb gelin ciyaarahan olombikada adduunka, maadaama oo aan la aqoonsanayn, haddana garoonka ay ciyaaruhu ka furmayeen waxa habeen hore ku sugnaa dhallinyaro badan oo reer Somaliland ah oo ku soo jeeni qaartay calanka Jamhuuriyadda Somaliland.