Madaxweyne Siilaanyo Miyuu Ku Haftay Diblomaasiyada Gobalka?

0
527

 

odayWaa markii afraad ee ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo sheegto inay ku noqotay amaba ka baxday hanaanka wada hadalka Somaliland iyo Somaliya oo uu qorshihiisu ka soo bilaabmay shirkii Ingiriisku Somalida u qabtay bishii febarwari ee sannadkan.

a

Markii u horaysay waxa ay xukuumadu shacabkeeda u sheegtay inay wada hadal rasmi ah la furayso dawladda ku meelgaadhka ah ee Somaliya iyadoo ka jawaabaysa qodob ku jiray war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii London oo sheegayay in la taageero wada hadal dhex mara Somaliland iyo Somaliya, waxaanu Madaxweynuhu magacaabay guddi ka koobnayd shan xubnood oo uga qayb gasha wada xaajoodkaas lala galayo Somaliya. Hase yeeshe maalmo ka dib waxa ay xukuumadu haddana sheegtay inay ka baxday wada hadalkii iyadoo ku sababsaysay laba xubnood oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland oo ka tirsan maamulka Puntland oo uu Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed wada hadalada ku soo daray. Waxaanu go’aankani u muuqday mid ay bulshadu taageertay maadaama oo sababta ay xukuumadu ku diiday tahay xubnaha dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ee guddiga uu Sheekh Shariif ku soo daray.

Muddo ka bacdi, haddana waxa ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo sheegtay inay ku noqotay qorshihii wada hadalka, isagoo Madaxweynuhu magacaabay guddi kale oo ka kooban shan wasiir, bulshadana looma sheegin sababta keentay in mar labaad lagu noqdo wada hadalkii laga baxay, waxaana lagu war helay iyadoo uu guddigii Sheekh Shariif soo magacaabay ku jiro xubin reer Somaliland ah balse ka tirsan dawladiisa ku meelgaadhka ah. Waxaanay bulshadu isweydiisay faa’iidada xukuumadda uga soo hoyatay ka bixi taanka wada hadalka ee markii hore; mar haddii aanu Sheekh Shariif gebi ahaanba guddiga ka saarin cid Somaliland u dhalatay balse uu magacyadii uun soo bedelay, waxaanay dad badani saddexdaas go’aan ee bilo gudahood ah ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku tilmaameen diblomaasiyaddii oo ay ku hafatay.

Waa hagaag. Wada hadalkii wuxuu ku qabsoomay magaalada London, waxaana laga soo saaray qodobo kala duwan, waxaana loo balamay in kulan lagu qorsheeyay inay labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Somaliya is arkaan lagu qabto dal dibadda ah iyadoo la soo jeediyay wadamo ay ka mid yihiin Switzerland iyo Imaaraadka Carabta. Madaxweyne Siilaanyo oo Somaliland dabayaaqadii bishii June ka ambo baxay wuxuu sheegay inuu magaalada Dubai u tagayo wada hadalka Somaliland iyo Somaliya, mana sheegin wax kale oo uu halkaas u tagayo oo culus. Waxase dad badan yaab ku noqotay markii warbaahinta dalka Imaaraadka Carabta laga arkay wefti Somaliland ka tirsan oo dhex fadhiya shirkii budhcad badeeda ee halkaas ku qabsoomay, islamarkaana si toos ah u daba fadhiistay calankii Somaliya. Iyaba waa wareer.

Waxa aakhirkii shir ay dad badani ku tilmaameen mid doceed ku kulmay Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweyne Shariif, dawladda Imaaraadka Carabta oo u muuqatay dalka shirkaas watayna waxay u soo dirtay Wasiirul dawlaheeda khaarajiga, war-murtiyeedkii laga soo saarayna waxa loogu ugu magac dartay Axdigii Dubai, oo ah magac diblomaasiyiin badan ku abuuray in shirku aanu la socon shirkii London, maadaama war-murtiyeedkii bilowga wada hadalka ee London ku qabsoomay aan wax magac ah loo bixin, waxaanay dad diblomaasiyadda falanqeeyaa kulanka labada Madaxweyne ku tilmaameen mid aanay dawladii Ingiriiska iyo kuwii kale ee reer Yurub ee wada hadalka bilaabay ka war hayn balse gaar u ahaa labada Madaxweyne iyo dawladda Imaaraadka Carabta. Kulankaas ka dib waxay labada dawladood ku dhawaaqeen inuu si rasmi ah u bilaabmay wada hadalkii labada dal oo uu dhinac waliba doonistiisa ku macnaystay kulanka labada Madaxweyne. Iyadoo ay umadda halkaas ugu joogto ayaa khamiistii, wuxuu wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ku dhawaaqay inay xukuumadu hakisay wada hadalkii Somaliya ay la lahayd isagoo ku macneeyay shirka Muqdisho ka socda iyo wakhtigii ku meelgaadhka ahaa ee Somaliya oo ay maalmo ka hadhsanyihiin. Oo miyaan markii hore la ogayn in shirkaasi qabsoomayo oo ay dad badani isku soo sharaxi doonaan madaxtinimada Somaliya iyo weliba in wakhtigii Sheekh Shariif ay maalmo ka hadhsanyihiin.? Miyaan ka hor kulankii labada madaxweyne arrimo badan la odorosin mise si laab la kac ah ayaa lagu galay.?

Si kastaba ha ahaate, marka arrimahan aynu ka soo sheekaynay lagu daro shirkii Turkiga ku qabsoomay ee iyadoo ay xukuumaddu shacabka u sheegtay inaanay kulanka siyaasadda ka qayb geli doonin; haddana la arkay iyadoo dhex fadhida, waxa soo baxaya in Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo uu ku haftay badweynta diblomaasiyadda ee wada hadalka Somaliland iyo Somaliya. Haddii aanay arrintu sidaas ahayna waxa Madaxweynaha looga fadhiyaa inuu umaddiisa u sharaxo sababaha keenay inay siyaasadiisii dibaddu noqoto mid gelinba cayn ah.