Cabbista 2 Koob Oo Bun Ah Maalin Kasta, Ayaa Boqolkiiba 44 Yareysa In Caabuqu Uu Beerka Bururiyo

0
611

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa isku xidhay joogtaynta cabbitaanka bunka iyo hoos u dhaca khatarta ah in beerku uu biyoobo ama bururo, gaar ahaan dadka qaba Fayraska caabuqa ah ee beerka, sida jooniska noociisa C. Warbixin uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay oo lagu faafiyey cadadkii u dambeeyey ee majaladda Alimentary Pharmacology and Therapeutics ayaa lagu caddeeyey in bunku uu si aad ah u yareeyo xaaladdan beer burburka oo aakhirka sababta geeri kadib marka uu beerku shaqadiisa gabo. Cilmibaadhis lagu sameeyey dad ka badan Afar boqol iyo laba iyo soddon kun iyo boqol iyo saddex iyo soddon (432’133) ayaa ay khubaradu ku ogaadeen in laba koob oo bun ah oo maalin kasta la cabbaa ay boqolkiiba 44 hoos u dhigto khatarta ah in beerku bururo/biyoobo, sidoo kale waxaa tijaabada laga arkay in cabbista bunku ay yaraysay tirada dadka u dhimanayey beerka oo burburay ama biyoobay awgeed, xaaladda afka caafimaadka lagu yidhaahdo, Cirrhosis.

Sida uu Geeska Afrika ka soo xiganayo shabakadda Al-Jazeera, daraasado hore oo Maraykanka lagu sameeyey ayaa iyaguna muujiyey in laba koob iyo ka badan oo bun ah oo maalin kasta la cabbaa ay boqolkiiba 53 yarayso in dadka qaba Jooniska noociisa C uu xaalka beerkoodu sii xumaado.

Xaaladdan Cirrhosis ee beerka burburisaa waxa ay inta badan ka dhalataa dhaawac beerka ka soo gaadha xanuun, sida caabuqa beerka ku dhaca, sun, cabbista badan ee khamriga iyo Alkoosha iwm. Beerka oo shaqadiisa gaba ama dhimaana waxa ay keentaa in suntan uu ka reebi waayo dhiigga maraya, taasina ay sababto suntan oo maskaxda ku ururta, oo ay ka dhalato qofka oo uu ku adkaado u fiirsiga, ama khalkhal dhinaca maskaxda ah lagu arko, sidoo kale waxa uu keenaa miyir beel, iyo in uu qofku halis u noqdo kansarka beerka ku dhaca. Jooniska noociisa C, waa caabuq uu Fayras keeno oo sababa in beerku uu shaqadiisa gabo, haddii aan goor hore la ogaan, dhaqsana wax looga qaban, aakhirkana waxa uu keenaa in beerku uu burburo ama biyoobo, oo ah xaaladda Cirrhosis.