Dhinaca Qorsoon Ee Nolosha Madax Dunida (Q:2aad): Dhiimbiilaha Caashaq Ee Gubay Laabta Rajab Erdogan, Iyo Angela Merkel: Ardayaddii Macallinkeeda Jeclaatay

0
761

3Hargeysa (Geeska)- Qormadan oo uu wargeyskan Geeska Afrika ilo kala duwan ka soo dheegtay waxa aynu si kooban ugu eegaynaa qisaska jacayl ee boqorro iyo hoggaamiyeyaal caalami ahi qirteen in ay soo mareen, gaar ahaan qisaskooda guurka ku dambeeyey.

Dhimbiisha caashaq ee gubtay laabta Erdogan:

1

Sannado ka hor ayaa uu madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan uu daaha ka rogay dhinaca jacaylka iyo kalgacalka ee noloshiisa siyaasaddu cuslaysay. Waxa uu si furan uga sheekeeyey xidhiidhka isaga iyo xaaskiisa Amiina, oo uu qirtay in uu ku bilowday jacayl aragtidii koowaadba qalbigiisa galay.

Siyaasiga guusha iyo hoggaaminta hal-adaygga leh lagu majeerto ee dalka Turkiga hoggaamiyaa, bilowgii jacaylka isaga iyo afadiisa waxa uu ku tilmaamay dhimbiilo caashaq oo qalbigiisa dhallaan rogay, waxa aanu ku celceliyey in tan iyo maalintaas uu si buuxda oo isku mid ah u jecelyahay Amiina, oo mashquulka iyo loollanka tacabka badan u baahan ee siyaasaddu aanu waxba ka beddelin.

Amiina Erdogan 37 ka sano ee ay wada joogeen Rajab weligeed ma’ay weydiin sababta uu goor hore guriga u iman waayey ama shaqada uu u siiyo waqti ka badan ka uu qoyskiisa siiyo. Waxa ay is guursadeen sannadkii 1978kii, waxa aanay dhaleen afar carruur ah oo kala ah, Axmed Baraaq, Sumayah, Najmuddiin-Bilaal iyo Israa.

Xaaska Madaweyne Rajab Dayib Ardogan oo isir ahaan ka Carab ka soo jeedda, balse dhalashadeedu Turki tahay, ayaa lagu tilmaamaa haweenay dalka Turkiga ka ah tilmaam lagu bidhaansado isu-soo-dhoweynta qaybaha kala duwan ee bulshada Turkiga.

Angela Merkel: Ardayaddii macallinkeeda jeclaatay:

2

Angela Merkel oo ahayd ardayad si aan caadi ahayn kaalmaha ugu sarreeya ka gasha waxbarashada, gaar ahaan maaddooyinka Fiisigiska, Xisaabta iyo Afka Ruushka ayaa ay is barteen oo xidhiidh guur dhex maray Ulrich Merkel oo ay isku fasal ahaayeen, laakiin guurkaasi ma’ waarin oo waa uu burburay kadib markii ay isqabeen shan sano oo u dhexeeyey sannadihii 1977 illaa 1982kii.

Merkel oo duruufo dhaqaale oo adag ka hor yimaaddeen furniinkii kadib waxa ay bilowday in ay mudalab ka noqoto maqaaxi isla markaana saacadaha aanay shaqayn waxa ay dib u sii ambaqaadday sii wadista cilmiga Fiisigiska. Sannadkii 1981kii waxa ay is barteen ninkii labaad oo ahaa macallinkeedii Sayniska Professor Joachim Sauer oo markaas bare-sare ka ahaa Akademiyadda Sayniska ee magaalada Berlin, Sauer oo ay xaaskiisii hore kala tageen sannadkii 1985kii ayaa guursaday ardayaddiisan Angele Merkel sannadkii 1998kii.

Haddii aynu naqaannay Marwada Koowaad oo dunida looga yaqaanno afada hoggaamiyaha, Barafesoor Sauer maanta isaga ayaa dalkaas looga yaqaannaa Mudanaha Koowaad ama Sayga Koowaad. Si kastaba ha ahaato ee Barafesoorku ma jecla in uu ka hareer muuqdo afadiisa hoggaamiyaha ah ee sidata magaca qoyska ninkii isaga uga horreeyey oo ahaa Merkel. Laakiin sababta aanu agteeda uga soo daahirin hinaase ma’aha, ee waa isaga oo u arka in ay tahay haweenayda dunida ugu awoodda badan, isla markaana doonaya in ay kelideed kartideeda iyo ragannimadeedu muuqan oo aanu isagu garab istaagin si aanu in si uun magaciisu uga garab socon.

Sauer oo ah nin aad u mashquul badan oo maalintii ug uyaraan 14 saac shaqeeya ayaa si aad ah isaga ilaaliya in uu ka soo muuqdo warbaahinta iyo masraxyada diblumaasiyadda, marka laga reebo marar lagu arko xafladaha lagu soo bandhigo Masraxiyadaha Opera, waana sababta ay warbaahinta Jarmalka qaarkood ugu naanaysaan, Rooxaanta Opera.

Sayga Koowaad ee dalka Jarmalku xaaskiisa hoggaamiyaha ah uma arko in ay tahay ardayaddiisii shaybaadhka Fiisigiska uu duruusta ku bari jiray, sidoo kale uma qiimeeyo in ay tahay raysalwasaaraha dalka ugu dhaqaalaha buuran Midowga Yurub, balse waxa uu ku tilmaamaa inuu isagu u yaqaanno, Xaaskiisii uu jeclaa, oo marka guriga la isugu yimaaddo u karisa maraq iyo baradho, Kac-kaca uu jecel yahay.