Caanaha Hooyadu Waxa Ay Dawo U Noqon Karaan Cudurka Kansarka Noociisa Dhiigga Ku Dhaca Ee Leukemia

0
654

Waxaa muddooyinkii u dambeeyey si joogto ah u socday tijaabooyin iyo cilmibaadhiso dheeraad ah oo lagu eegayo suurtogalnimada in caanaha hooyada loo isticmaalo dawo lagula dagaalamo cudurka Kansarka, kadib markii baadhitaanno caanaha hooyada lagu sameeyey ay si lama filaan ah u daahfureen in caanaha ay ku jirto maaddo lagu magacaabo Hamlet oo si weyn jidhka uga caawisa in uu dilo unugyada kansarka ah.

Waxa ay cilmibaadhayaashu sheegeen in dawo laga sameeyo caanaha oo kansarka lagula dagaalamaa aanay keeni doonin wax raad taban ah, sida inta badan lagu yaqaanno dawooyinka kiimikaad ee kansarka lagu dabiibo. Arrinta ugu weyn ee uu dawadaas kiimikada ah kaga duwan yahayna waa in maadaddan caanaha hooyada ku jirtaa aanay bartilmaameed ka dhiganayn unugyada caafimaadka qaba ee jidh, sida lagu yaqaanno dawada kiimikada ah oo iyadu si isku mid ah u weerarta unugyada loola jeedo ee buka iyo kuwa badqaba.

Bare-sare Catharina Svandborg oo ka tirsan jaamacadda Lund ee dalka Iswiidhan ayaa mar ay ka hadlaysay rajadan cusub waxa ay tidhi, “Maadadda Hamblet, awood mucjiso ah ayaa ay u leedahay beegsashada unugyada kansarka iyo ka takhalusiddeda”

Dhinaca kalana bukaan qaba Kansarka kaadihaysta, waxa aanay tijaabadan ka muuqatay natiijo aad u rajo gelisay cilmibaadhayaasha, sida oo kale waxa ay dhowaan dhakhaatiirtu bilaabayaan baadhitaanno lagu ogaanayo suurtogalnimada in caanaha hooyada loo isticmaali karo daweynta kansarka caloosha iyo dhuunta ilmagaleenka ku dhaca. Svandborg oo mar kale arrintan ka hadlaysaa waxa ay intaas ku sii dartay, “Waxa aanu raadinaynay dawooyin dabiici ah, waxa aana muuqata in caanaha hooyadu ay noqon doonaan isha dawadaas laga helayo” Svandborg waxa ay sheegtay in mid ka mid ah tijaabooyinka ay sameeyeen ay xaqiijisay in caanaha hooyadu ay ka takhaluseen unugyadii kansarka ahaa. Waxa kale oo la aaminsan yahay in caanaha hooyada laga soo dheegan karo barootiinka Alpha-lactalbumin ee caanaha hooyada laga helo, kaas oo dawo ka noqon doona kansarka xiidhmaha ku dhaca, maadaama oo uu barootiintani si toos ah u abbaaro unugyada kansarka ah.

Waxaa intaas dheer maadadda halmet ee aynu hore u soo sheegnay in ay caanaha hooyada ku jirto in ay awood u leedahay in ay maalmo yar gudahood kaga takhalusto unugyada kansarka ah ee kaadida ku jira, dhowaan ayaana arrintan dambe si faahfaahsan loo sii daraasayn doonaa.