Dhambaallo Uu Nebi Muxammed (Scw) U Kala Diray Boqorro Xilligiisii Meelo Kala Duwan Ka Talin Jiray (Q.2)

0
608

Maka (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee qormadii uu Geeska Afrika ku soo koobayey qaar ka mid ah dhambaalladii uu Nebi Muxammed (SCW) u kala diray boqorradii xilligiisii ka talinayey meelo kala duwan oo dunida ah, isaga oo ugu baaqaya diinta Islaamka:

Warqaddii uu Nebi Muxamed u diray boqorkii Masar

Sida ku xusan taariikhda Islaamka Muqawqis waxa uu ahaa boqorkii dadka kiristaanka ah ee Qibdiyiinta loo yaqaanno, waxa aanu dhulka Masar ka talinayey intii ka horreysay markii Muslimiintu ay qabsadeen Masar.

Boqorkani waxa uu ka mid ahaa boqorrada uu Nebi Muxammed (CSW) u diray dhambaallada uu ugu baaqayo in ay rumeeyaan diinta uu Alle u soo dhiibay, isaga oo u ballan qaadaya in haddii ay Muslimaan aanay boqortooyadoodana cidi ugu iman doonin oo ay xilka sii haysanayaan.

Warqadda uu Nebi Muxammed (SCW), u qoray boqorkani waxa ay u dhignayd sidan, “Bisbillaahi Raxmaani Raxiim. .. Ka timid Muxamed Rasuulkii Alle, (SCW). … ku socota Muqawqas, Boqorka Qabdiyiinta: Waxaa badbaaday ciddii hanuunka Alle raacda, intaas kadib. Waxa aan kuugu baaqayaa baaqa Islaamka oo ah, in aad islaamto si aad u badbaaddo, Allaahna ajarkaaga laba jeer kuu siiyo” intaas kadib waxa uu nebigu (SCW) dhambaalkiisan ku xusay aayadda 64aad ee suuradda 3aad ee Qur’aanka Kariimka ah, aayaddaas oo uu Alle kula hadlayo Nebi Muxammed (SCW), isaga oo farriin u faraya qolyaha Ehlu Kitaabka lagu magacaabo oo ah dadkii diimaha hore ee soo degey aaminsanaa oo ah Masiixiyiinta iyo Yuhuudda. Aayaddaas marka aynu si guud u macnayno waxa ay noqonaysaa, “Waxa aad ku tidhaahdaa Ehlu Kitaabka, U kaalay, (Nala wadaaga) Kelmad aynu u simannahay, oo ah in aynaan caabudin cid aan Alle ahayn. In aynaan cibaadadaas cid kale ku Alle ku ladhin. Innaguna (Bani Aadamka) aynaan badhkeenba badhka kale Rabbinimo u sheegan iyo in aynu Alle sokodii is caabudno” Alle (SWT) aayaddan isaga oo sii wada hadalkiisa ku jihaysan Ehlu Kitaabka waxa uu Nebi Muxammed (SCW) u sheegayaa waxa ay tahay in uu sameeyo, haddii ay taladiisaa yeeli waayaan, “Haddii ay dhabarka jeediyaan, waxa aad ku tidhaahdaan, annagu waxa aanu idinka marag dhigaynaa in aanu muslimiin nahay”

Sida ay taariikhaha qaar sheegayaan Muqawqis markii uu warqaddan ka timid Nebi Muxammed (SCW) akhriyey, ayaa waxa uu weydiiyey ninkii siday warqadda oo ahaa Xaadib Bin Abi Baltacah (Alle ha ka raalli ahoodo) oo ka mid ahaa asxaabtii Nebiga, “Haddii ninka ku soo diray uu Nebi yahay, maxaa u diiday in uu habaaro dadka dhulkiisii (Maka) ka bara kiciyey, si uu Alle ugu sallido masiibo?”

Asxaabigii dhambaalka siday waxa uu ku jawaabay, “Oo Maxaa Nebi Ciise (CS) u diiday in uu habaaro kuwii shirqoolka dilkiisa soo maleegay, si Alle ugu sallido waxa ay mutaysteen”

Muqawqis ayaa warkaas aad ugu khushuucay oo waxa uu asxaabihii dhambaal-wadaha ahaa ku yidhi, “Waxa aad tahay nin xikmad badan oo ruux xikmad badan ka yimid”

Muqawqis waxa uu warqaddaas ku qaabilay karaamayn iyo xushmad aad u badan. In kasta oo sida taariikhda ku sugan aanu Muqawqis muslimin, haddana waxaa ka muuqday dabac badan oo u uu muujiyey Nebiga (SCW), sida ay taariikhaha qaar sheegaanna waxa uu asxaabigii Xaadib soo raaciyey nin dhakhtar ah, oo uu doonayey in uu caafimaad ahaan u caawiyo Nebiga iyo asxaabta, laakiin markii uu ninkaas dhakhtarka ahaa Nebiga u tegey, Nebigu waa uu soo celiyey, isaga oo u sheegay in aanay wax baahi ah u qabin. Taariikhaha qaar waxa ay sheegayaan in nebigu si dadban ninkan ugu sheegay sabab aanu caafimaadkoodu aalaaba u xumaan oo ah, “Waxa aanu nahay qoom, aan cuntada cunin illaa ay gaajoodaan, haddii aanu cunnana ma is dherginno”