Buuqa Iyo Sawaxanku Waxa Ay Keenaan, Wadne- Xanuun Dhego-Beel Iyo Carruurta Oo Qal-Qaalli Noqota

0
856

Qaahira (Geeska)- Daraasad lagu sameeyey dalka Masar ayaa daahfurtay in buuqa iyo sawaxankuba ay wax yeelo taban ku leeyihiin nolosha Aadmaha. Daraasaddan oo natiijadeeda uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Al-Handasa Al-Carabiya ayaa sheegaysa in nooc kasta oo buuq, guux iyo sawaxan ah, sida guuxa iyo sawaxanka ka jira suuqyada, buuqa dugsiyada waxbarashada iyo jaamacadaha, idaacadaha, talefishannada, xafladaha, ciyaaraha kala duwan iyo xitaa guryaha dhexdoodu uu keeno dhibaatooyin caafimaad oo ka sii khatar badan caafimaad darrada ka dhalata wasakhowga hawada ee maanta dunida oo dhami ka qaylinayso.

Khubarada daraasaddan samaysay waxa ay sheegeen in buuqu uu wax yeelleeyo caafimaadka jidheed iyo ka maskaxda ee qofka, si gaar ahna uu u soo gaabiyo cimriga qofka. Haddaba khubarada daraasaddan samaysya waxa ay natiijadan u cuskadeen arrimahan:

– Sannadkii 1994kii dadka dalka USA ugu dhintay sababo uu keeno buuqu waxa lagu qiyaasay Laba iyo Konton Kun (52000), sida daraasado hore lagu ogaadayna dadka wadne xanuunka lihi haddii ay la kulmaan Sawaxan badan sida Muusig kulul oo kor loo dallacay ama cod dheer oo qof ama Aaladeed waxa ay ku keenta in uu kordho garaaca wadnahoodu taas oo sii xumaynaysa xaaladda Caafimaad ee qofka. Iyada oo dhakhaatiirta qaarna sheegeen in xitaa ay keeni karto in qofku uu u dhinto wadne istaag.

– Daraasad kale oo hore loogu sameeyay dalka Jarmalka ayaa sheegtay in buuqu uu keeno Neerfayaasha oo khalkhala iyo weliba Wadne xanuun. Iyada oo daraasaddaasi si gaar ah ugu digtay Darawaliinta ka shaqeeya gaadiidka dadweynaha, gaar ahaan goobaha cidhiidhiga ah iyo qoysaska deggen xaafadaha saxmadda badan iyo waddooyinka agtooda oo ay sheegtay inay dadka kale uga nugul yihii wadne xanuunka.

– Daraasad kale oo cusub ayaa iyaduna sheegtay in Buuqu uu boqolkiiba Laba (2%) wax yeelleeyo nidaamka Ogxaanta haweenka oo aad u xasaasi ah, si fududna isbedelada iyo duruufaha kala duwan ee gabadha ku yimaaddaa ay inta badan ku yeeshaan saamayn weyn oo togan ama taban, hadba nooca ay duruufuhu yihiin.

Dhibaatooyinka ka dhasha sawaxanka iyo buuqa badan ee maskaxda dhiba waxaa ka mid ah in saamayn taban uu u yeesho hooyada uurka leh iyo awoodda hore ee ay uur ku qaadi karto labadaba.

– Waxa iyaduna jirta in dadka ugu badan ee waaya dareenka maqalku ay yihiin kuwa ka shaqeeya meelaha sawaxanka badan sida warshadaha. Wax yaabaha kale ee uu buuqa iyo sawaxanku ay keenaan waxa ka mid ah dhiig karka.

– Waxa iyadana la ogaaday in carruurta ka yar laba Jirka ay halis ku tahay dhawaaqa la dallaco ee T.V-ga iyada oo sidoo kalana daraasado lagu ogaaday in caruurta ku korta guryaha buuqa badani ay ka dhib badan yihiin kana qal qaalisan yihiin kuwa kale.