Caanaha Lo’da Ee Habeennimo La’ Lisay Waxa Ay Wanaajiyaan Hurdada Iyo Firfircoonaanta Maskaxda

0
910

ssssssssSeoul (Geeska)- Cilmibaadhis lagu sameeyey dalka Koonfurta Kuuriya ayaa daahfurtay in caanaha lo’da oo habeenkii la soo maalaa ay caafimaad ahaan ka faa’ido badan yihiin kuwa maalintii la liso, waayo caanaha neefka habeenkii laga maalaa waxa ay hodan ku yihiin asiidhada lagu magacaabo Amino oo xoojiya hurdada, isla markaana liska habeenkii waxa toban lab ku badan xaddiga hormoonka Melatonin oo isaga qudhiisuna kaalin fiican ka qaata hurdada.

Cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey oo ka tirsan Maxadka Yum Yang ee cilmbibaadhista acsaabta iyo neerfayaasha ee dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa tijaabooyin kala duwan oo ay sameeyeen kadib ogaaday in qofka habeenkii cabba caano lo’aad oo gaar ahaan ah liska habeenkii uu inta badan seexdo saacado ka badan qofka aan cabbin ama xitaa ka cabba caano maalinnimada la soo lisay.

Cilmibaadhistan uu Geeska Afrika turjumay oo lagu baahiyey wargeyska Telegraph ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa intaas ku dartay in dadka caanaha lo’da ee habeenkii la liso cabbaa ay awood iyo karti dheeraad ah u leeyihiin waajahidda xaaladaha iyo arrimaha adag, isla markaana maskaxdiisu ay ka firfircooni badan tahay dhiggiisa aan habeenkii caanaha lo’da cabbin ama kuwa uu cabbaa ay caano maalinnimo la lisay.