Caadooyin Qofka Joogteeyaa Uu Dadka Ku Xeeran Iyo Bulshada Oo Dhan Kaga Kasban Karo Haybad (Q:3aad)

0
1402

Picture8Hargeysa (Geeska)- Haybaddu ma’aha wax qofku uu gacantiisa ku haysto ama ku soo dhasho balse waa wax uu kasbado oo weliba dadaal iyo karti badan kadib uun ay tahay marka uu dadka ku abuuri karo shucuurta ah in uu muhiim yahay ama in uu haybad iyo xushmayn ka mudan yahay.

Waa qaybtii Saddexaad ee qormo uu Geeska Afrika turjumay oo uu akhristayaasha kula wadaagayo caadooyin ay khubarada cilmiga bulshadu sheegeen in qofka ay dadka u geliyaan kalgacal iyo soo dhoweyn, haybadna siiyaan.

8. Ereyada afkaaga ka soo baxaya si taxaddar leh u dooro: Ereyada aad odhanaysaa waxa ay saamayn ku leeyihiin hab-dhaqanka dadka kale. Ereyga aad qofka ku leedahay marka ugu horreysa ee aad is aragtaan ereyo togan iyo mid taban mid ay yihiin, waxa ay saamayn ku yeeshaan xidhiidhka uu qofkaasi kula lahaanayo mustaqbalka oo dhan. Waxa ay raad ku yeelanaysaa wanaagga ama xumaanta uu qofku shakhsiyaddaada ka qaadanayo.

Intii suurtogal ah ku dadaal in aad ka fikirto ereyada afkaaga ka soo baxaya, macnayaasha ay yeelan karaan iyo fahamka uu qofka maqlayaa ka qaadan karo.

9. Qofka ha kala sheekaysan guul-darrooyinkiisii hore iyo waxa uu neceb yahay xusuustooda: Marka aad qofka la sheekaysanayso, ha isku mashquulin in aad mar kasta xasuusiso inta jeer ee uu qofku soo fashilmay, hana ku caayin fashilaad ka soo gaadhay hawl uu qabanayey. Hadallada noocan ahi waxa ay saamayn xun oo aan hadhin kaga tagaan qalbiga qofka. Sidoo kale muhiim ma’aha in qofka aad uga sheekayso oo aad ugu celceliso waxa uu karhayo maqalkooda, waa haddii aanu ahayn xaq uu baal marsan yahay oo inta aad si cad mawqifkaaga ugu sheegto, haddii uu ka joogsan waayo qaladka aanad adiguna go’aan cad oo uu og yahay ka qaadanayn xidhiidhkiisa.

10. Dhoolla caddaynta ogow: Sida uu Nebi Muxammed (SCW) inoo sheegay qofka oo aad dhoolla caddayn ku qaabishaa waxa ay ka mid tahay sadaqooyinka ajarka Alle kaaga abaal marinayo. Dhoolla caddayntu waa furaha ugu awoodda badan ee aad ku furan karto qalbiga qofka. Waxa aanu keenaa marar badan in qofku marka uu ku arko uu illaawo murugadii iyo hammigii uu qabay, kalgacal, rajo iyo niyadwanaagna galo. Dhammaad.