Saddexda Murashax Ee Bahoobay Oo Qaadacay Guddigii Madaxweyne Siilaanyo Iyo Ingiriiska Oo Maanta Hargeysa U Soo Diraya Wefti Culus

0
724

Picture7

Hargeysa(Geeska)-Garabka KULMIYE ee is bahaystay oo ay ku jiraan saddex murashax madaxweyne iyo wasiiradii dhawaan is casilay ayaa ku dhawaaqay inay qaadaceen guddi shan xubnood ka kooban oo uu Madaxweyne Siilaanyo u saaray inay hubiyaan liiska ergada golaha dhexe ee ka qayb galaya shirka golaha dhexe ee KULMIYE ee la qoondeeyay inuu qabsoomo 10 November 2015.

Kulan balaadhan oo ay shalay ku qabsadeen hoteelka Crown ee Hargeysa, waxay kaga dhawaaqeen inaanay ogolayn dhexdhexaadnimada xubnahaas uu Madaxweyne Siilaanyo xulay, waxaanay mar kale ku baaqeen in qaban qaabada shirka golaha dhexe ee KULMIYE lagu soo celiyo dhexdhexaadnimo iyo hufnaan.  Wasiirkii maaliyadda ee xukumadda Siilaanyo Cabdicasiis Samaale, ayaa sheegay inaanay aqbalayn guddida madaxweynuhu magacaabay, maadaama ay ku magacaaban yihiin digreeto madaxweyne. Waxa uu sheegay inay yeeli lahaayeen guddidaasi haddii uu soo magacaabi lahaa madaxweyne xigeennadii Somaliland Cabdiraxmaan Awcali iyo Axmed Yuusuf Yaasiin ama cid la mid ah oo madax banaan.

“Ragga musharaxiinta ah waxaa laga qaadaa Lacag, ilaa hadda ragayaga musharaxiinta ah ilaa hadda nalama waydiin lacag, waayo waxaa la diidan yahay musharaxnimadayada. Haddii shirka sida 10-ka bisha loogu qoondeeyay laga bedeli waayo horta intayadaas midna ma tagayo ee ogaada. Siday hadda ku socoto, hadday tahay afduubkaas anagu tagi mayno. Haddaanu tagi wayno waxa dhacaya ayaan idiin sheegayaa, saddex xubnood oo gole ka fuul ah ayaa la keeni doonaa oo bedela saddexdayadan si tartanka loo qurxiyo ee bal taas meel ku sii qorta, waayo ragga tartanku dhab ka yahay marka la diido waan in wax u eeg tartan uun la sameeyo,” ayuu yidhi Cabdicasiis Samaale.

Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo isna ah murashax madaxweyne ayaa yidhi “Shirkan markii la mudaynayay koox yar ayuun baa intay meel isla gashay tidhi wakhtiga waxaanu ka d hignay bisha 10-keeda, sidii loo qaban jiray shirarka ee loo qaban qaabin jiray taasi may ahayn, waxay ahayd in laga arrinsado oo guddi 43 xubnood ka kooban loo geeyo.” ayuu yidhi Kijaandhe oo intaas raaciyay in Madaxweyne Siilaanyo uu guddiga u saaray inay soo hubiyaan liiska golaha dhexe balse aanu u magacaabin inay khilaafka taagan soo xaliyaan, “Warqada madaxweynuhu soo qoray waa taas, maaha mid xalinaysa mashaakilka ka jira KULMIYE.”

Wuxuu Kijaandhe sheegay inaanay shirkaas golaha dhexe ka qayb geli doonin, isagoo ku sababeeyay mad madow uu sheegay inuu jiro. Murashax Maxamed Biixi Yoonis ayaa isna cadeeyay inaanay shirkaas ka qayb geli doonin, isagoo sheegay inay u muuqato cadaalad darro ay ka tirsanayaan Madaxweyne Siilaanyo iyo madaxtooyada.

Wefti Ingiriis ah

Geesta kale, dawladda Ingiriiska ayaa wefti u soo diraysa maanta magaalada Hargeysa. Weftiga ayaa la sheegay inuu horkacayo wasiir ka tirsan dawladda Ingiriiska, waxaanay kulanka koowaad la yeelan doonaan Madaxweyne Siilaanyo. Waxa kale oo la sheegayaa in weftiga Ingiriiska ahi ay kulamo la yeelan doonaan xubno ka mid ah wasiiradii is casilay oo la filayo inay kala sheekaystaan xaaladda sababtay is casilaadooda iyo weliba arrimo kale oo ay u xiiso qabaan inay xog ka ogaadaan.