Kalluun Laga Rajo Qabo In Dadka Uu U Suurtogeliyo Ilkaha Weynida Ku Dhacaa In Ay Marar Kale Soo Baxaan

0
4017

Picture9Hargeysa (Geeska)- Qiyaas ahaan boqolkiiba 30 dadka da’doodu ay ka weyn tahay 65 sano ee dunida oo dhan waxaa ka dhacay ilkaha, haayadda caafimaadka adduunku ee WHO xalka keliya ee ay illaa imika haysaana waa in qofku ilkaha ka daatay ku beddesho kuwo samays ah. Waxa se jira rajo ay qaar ka mid ah xeeldheerayaasha caafimaadka ilkuhu ka qabaan in ay helaan xal keena in ilkaha daatay ay marar kale dib ugu soo baxaan qofka.

Maxadka Tiknoolajiyadda ee gobolka Georgia dalka Maraykanka oo kaashanaya kuliyadda caafimaadka ee Kings College oo ku taalla magaalada London ayaa bilaabay qorshe ay doonayaan in ay kaga midho dhaliyaan arritan iyaga oo ka rajo qaadanaya nooc ka mid ah kalluunka noociisa lagu magacaabo Tilapia. Waxa aanay hadda xeeldheerayaasha arrintan baadhayaa ku hawlan yihiin daraasaynta kalluunkan yar oo ku nool Harada Malawi ee dalka Mozambique, maadaama oo kalluunkan yar inta uu nool yahay boqollaal jeer hadba ilko cusubi u soo baxaan.

Daraasad lagu faafiyey majaladda waxbarashada wadaniga ah ee Sayniska cadadkeedii soo baxay bishii hore ee Oktoobar ayaa ay culimadu ku sheegeen in ay heleen xidhiidh ka dhexeeya ilkaha iyo oorgannada dhadhanka.

Kalluun iyo Jiir:

Culimadani waxa ay dareemeen in ilkaha iyo oorgannadan dhadhanka ee kalluunkan iyo jiirkuba ay wax badan wadaagaan isla markaana ay ka wada bilowdaan unugyo iyo neerfayaal isku mid ah. Todd Streelman oo macallin ka ah kuliyadda cilmiga Baayoolojiga ee gobolka Georgia ayaa mar uu dhowaan la hadlay wargeyska Huffington Post qaybtiisa Afka Faransiiska isaga oo arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi, “Waxa aanu isku daynay in aanu fahanno sababta keenaysa in unuggu uu mar isu beddeli karo ilko, haddana mar kale uu dib ugu noqonayo unugyadii dhadhanka” Waxa aanay culimadu doonayaan in xaqiiqadan cilmiga ah ee kalluunkan laga bartay ay bar bilow u noqoto sidii loo suurtogelin lahaa in mar kasta oo ilkaha qofku ay meesha ka baxaan, unugyadiisa dhadhanku ay qayb ahaan isugu beddeli lahaayeen ilko dib ugu soo baxa qofka.

Tod Streelman oo sii faahfaahinaya arrintan ayaa mar kale isaga oo ka hadlaya Jiir ay tijaabo ku sameeyeen waxa uu sheegay, “Sababta Iskaashiga aanu la samaynay jaalkayaga Kings College ee London ayaa ay noogu suurtogashay in aanu ogaanno in Hiddesidayaasha qaarkood oo aan wlei si fiican baadhitaanno cilmi ah loogu samaynin ay xidhiidh la leeyihiin soo bixista ilkaha iyo isla markaa haddana unugyada dhadhanka” Waxa aanu sheegay in tallaabada xigta ee hadda u hadhay ay tahay in ay isku dayaan sidii ay arrintan uga faa’idayn lahaayeen aadamaha.

Si kastaba ha ahaato ee xitaa haddii ay khubaradani ku guulaystaan dadaalkoodan waxaa la sheegayaa in qofka ilkaha dambe sugayaa uu ku qasbanaan doono in uu muddo dheer sugo si ay mar kale dib ug usoo baxaan si ay u samaysmaan ilkaha oo qaab mucjiso ah marka horeba samayskoodu yahay, neerfayaal iyo neerfayaal tifeed dareenka iyo nolosha u qaadana uu Alle si aad u yaab badan ugu dhex abuuray. Waana suurtogalba in arrintan oo dhami ay ku dambayso uun riyo wanaagsan.