Caadooyin Qofka Joogteeyaa Uu Dadka Ku Xeeran Iyo Bulshada Oo Dhan Kaga Kasban Karo Haybad (Q:2aad)

0
785

Picture8Hargeysa (Geeska)- Haybaddu ma’aha wax qofku uu gacantiisa ku haysto ama ku soo dhasho balse waa wax uu kasbado oo weliba dadaal iyo karti badan kadib uun ay tahay marka uu dadka ku abuuri karo shucuurta ah in uu muhiim yahay ama in uu haybad iyo xushmayn ka mudan yahay.

Waa qaybtii Labaad ee qormo uu Geeska Afrika turjumay oo uu akhristayaasha kula wadaagayo caadooyin ay khubarada cilmiga bulshadu sheegeen in qofka ay dadka u geliyaan kalgacal iyo soo dhoweyn, haybadna siiyaan.

2. Ha caadaysan in aad dhegeysato waxa aad jeceshay oo keliya: Waxaa jira dad awooda in ay dhegeystaan waxyaabo gaar ah oo keliya, taas oo keenta in mararka qaarkood qofka u sheekaynayaa ka dareemo in warkiisa aanay xiisaynayn ama in qofkan uu sheekada u wadaa aanu qaddarinayn. Inta badan waxa ay arrintani ka dhacdaa qofka u arka in qofkan uu u sheekaynayo uu ka meeqaam iyo darajo sarreeyo, maal ama mansab ha noqoto ama cilmi iyo caqli uu is bidayo ha ahaato ee.

Maadaama oo qofku aanu dembi ku hadlayn, waxa muhiim ah in warka uu kula soo qasdiyey aad dhegeysato oo weliba muhiimad siiso dhegeysigiisa, kadibna aad ka jawaab celiso haddii uu yahay war kaaga baahan jawaab ama in aad aragtidaada ka dhiibato.

3. Ilaali asluubta fiican ee kulanka: Marka aad qof la kulmayso, ku dadaal intii suurtogal ah in aanad ku mashquulin talefanka iyo saacadda, qofka ama dadka aad kulanka kula jirtaa yaanay kaa dareemin in wax uun kale aad kaga mashquushay ama ka doorbidday. Qofka kula hadlaya u jeedi dareenkaaga oo dhamaystiran, ogowna oo anshaxa kulanka iyo asluubta dhegeysigu waa hibo qaaliya oo Alle (SWT) oo keliyi uu bixiyo. Waana hab dad badan qalbigooda aad ku kasban karto, haybad aad agtooda ku yeelanayso, lagana yaabo in qaarkood abid kugu xasuustaan.

4. Bixi inta aanad adigu wax qaadan: Ku dadaal in aanad ku fikirin saamiga aad ka heli karto caawimooyinka dadka kale, ku dadaal in aad ka maaranto waxa ku jira gacanta aadamaha, adiga oo xoogga saaraya in aad adigu noqoto qofka wax bixinaya. Wax bixintu waxa ay ka mid tahay furayaasha xidhiidhka dhabta ah lagu abuuri karo. Nebigeennii Muxammed (SCW), waxa  uu dhiirri geliyey in aynu ku dadaalno in qofka muuminka ah dhibta adduun ee haysata aynu ka furanno, in aynu ceebaha dadka asturno, iyo tan aynu ka hadlayno oo ah in aynu walaalkeenna kale u gargaarno. Waxa kale oo axaadiista Nebi Muxammed (SCW) ku cad in gacanta sare ee wax bixisaa ay mar kasta ka fadilantahay gacanta hoose oo ah tan wax la siinayo.

5. Naftaydaada uun ha u danayn: Dadka u muuji in naftaada iyo dadkaba aad danaynayso oo aad jeceshahay, laabtaaduna ay u furan tahay dadka oo dhan, adiga oo aan ku kala saarayn da’, aragti, qabiil, midab, mansab, maal ama magac kale.

5. Qofka guusha hiigsanaya caawi: Ku dadaal in aad dadka kale guushooda kala shaqayso, kuna taageerto talo iyo tusaale waxtar leh, haddii ay kaaga baahdaan, hana kala bakhaylin waanada inta aad og tahay in wax aad ku dhaanto oo aad u sheegi kartaa ay jiraan.

6. Baro anshaxa fiican ee talo siinta: Dad badan ayaa ay caadadooda tahay in qofka ay talada siinayaan ay isu tusaan in ay ka sarreeyaan oo sarrayntaas ay ku kasbadeen garaad ay dheer yihiin oo ah kan keenay in ay la taliyaan. Weligaa qof aad talo siinayso ha isu tusin in aad kaaqoon, maskax ama waayo-aragnimo badan tahay, isaga sii fursad uu taas ku malaysto, haddii uu doonayo. Weligaa taladaada ha ka dhigin amar iyo hadal qallafsan, qofka tus in aad dantiisa u damqanayso, guul iyo horumarna la doonayso, u muuji in talada aad siianysaa ay tahay uun sida adiga kula quman, oo aanu jirin wax ku qasbaya in uu qaato, balse isagu xor u yahay in uu aqbalo iyo in uu diido oo weliba aanay taasi waxba u dhimayn xidhiidhkii awalba idinka dhexeeyey.

La soco…