Yoolka 9aad aad Ee 17ka Yool Ee Addunyadu Beegsanayso “Dhisitaanka kaabayaasha dhaqaalaha oo xoogan, kobcinta warshadeynta iyo dhiirigelinta ikhtiraaca

0
669

Picture1Waxa soo turjumay Cabdiraxmaan Cismaan Gaas

Yoolka 9aad  ee caalamku beegsanaayo 15ka sano ee soo socda waxaa weeye "Dhisitaanka kaabayaasha dhaqaalaha oo xoogan, kobcinta warshadeynta iyo dhiirigelinta ikhtiraaca (hal-abuurnimada wax soo saarka)" oo looga golleeyahay in saboolnimada caalamka lagu dhimo wershadayn iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo la maalgeliyo iyo weliba in si weyn loo dhiirigeliyo hal-abuurnimada shucuubta. Yoolkani wuxuu leeyahay 8 bartilmaameed oo ay tahay in la xaqiijiyo waxaanay kala yihiin:

waa la dhisaa kaabayaal dhaqaalle oo tayo leh oo la iskuna hallaynkaro sida kaabayaasha dhaqaale ee heer gobol iyo kuwa xuduudaha iskaga gudba  si ay gacan uga gaysato koboc dhaqaalaha iyo daryeelka-bulshooyinka dhammaan.

Dhiirigelinta wershedeyn waarta, 2030ka waa in si weyn sare loogu qaadaa heerka wershadayntu ka qaadato shaqo abuurka iyo wax soo saarka maxalliga ah iyadoo la waafajinaayo xaaladda dhaqaale ee waddan kasta siiba waddamada horumarkoodu liito.

Waa in la kordhiyaa helitaanka wershadaha yaryar iyo shirkadaha, gaar ahaan wadamada soo koraaya sida in la suurtogeliyo helitaanka dhaqaale iyo maalgelin iyo weliba suuq geyn qiimo leh.

2030ka waa in la cusbooneysiiyaa lana casrigareeyaa kaabayaasha dhaqaale iyo wershado si ay u waaraan,sida in sare loo qaado habsami u adeegsiga kheyraadka iyo dhaqangelinta tiknolojiyad casri ah oo nadiifa deegaankana u wanaagsan iyo wershadeyn ay yeeshaan dhammaan wadamada caalamku iyadoo la tixgelinaayo wadan iyo taagtii.

waa in la horumariyaa lana casriyeeyaa qaybta tikinolojiyadda iyo awoodda wershadaynta ee waddan kasta, gaar ahaan wadamada soo koraaya sida in 2030ka la dhiirigeliyo ikhtiraaca iyo tirada cilmibaadhista ay sameeyeen u heelanayasha horumarintu (sida in la ogaado inta milyakii qofba cilmi baadhis samaysa) iyo haayadaha dowliga iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee sameeya cilmibaadhisyo.

waa la fududeeyaa hirgelinta kaabayaal adkaysi leh oo waara oo ay helaan waddamada soo korayaa, iyadoo la fufudeynaayo helitaanka dhaqaale, tiknologiyad iyo taageero farsamo oo la siiyo waddamada afrika , waddamada koritaankoodu liito, waddamadda aan badda lahayn  iyo 18ka jasiiradood ee soo koraaya.

waa in la taageeraa horumarinta tikonojiyadda maxalliga ah, cilmi baadhisteeda iyo ikhtiraaca maxalliga ah ee wadamada soo koraaya, iyo xaqiijinta siyaasado wax ku ool ah oo dhiirigeliya kala duwidda wershadaha iyo waxyaabaha badeecadda qiimaha geliya.

waa in si weyn loo kordhiyaa si siman u helidda xogta iyo xidhiidhka tiknolojiyadda casriga oo lagu helo qiimo jaban sida in wadamada soo korayaa helaan internet fiican 2020ka.

La soco yoolka 10aad

waxaa soo turjumay
Cabdiraxmaan Cismaan Gaas
gaas96@gmail.com 063 4009009