Caadooyin Qofka Joogteeyaa Uu Dadka Ku Xeeran Iyo Bulshada Oo Dhan Kaga Kasban Karo Haybad (Q:1aad)

0
796

Hargeysa (Geeska)- Haybaddu ma’aha wax qofku uu gacantiisa ku haysto ama ku soo dhasho balse waa wax uu kasbado oo weliba dadaal iyo karti badan kadib uun ay tahay marka uu dadka ku abuuri karo shucuurta ah in uu muhiim yahay ama in uu haybad iyo xushmayn ka mudan yahay.

Waxaa jira qof marka uu gole soo fadhiisto ama madal uu soo galo ay iftiinto, oo farxad iyo soo dhoweyn kalgacal leh lagu soo fadhiisiyo, waxaa isaguna jira qof dadka golaha fadhiyaa aanay xiise u hayn, la sii sheekayntiisa iyo haasaawihiisuna culays ku yahay, marar badanna ay dhacdaba in ay qaar badan oo dadkii uu golaha ugu yimid ahi ay iskaga baxaan ama ka tagaan fadhiga. Qofna ma diidi karo in ay jiraan dad qalbigiisa farxad, niyadwanaag iyo rajo ku abuuraya, sheekadooda iyo la macaamilkoodana la soo wada dhoweynayo iyo kuwo intaas liddigeeda lagu qaabilo. Qormadan uu Geeska Afrika turjumay waxa uu akhristayaasha kula wadaagayaa caadooyin ay khubarada cilmiga bulshadu sheegeen in qofka ay dadka u geliyaan kalgacal iyo soo dhoweyn, haybadna siiyaan.

1. Dhegeysigaagu ha ka bato hadalkaaga:

Hadalka laguu jeedinayo u dheg raarici, adiga oo weliba dhegeysigaaga su’aalo jawaab kooban u baahan dhextaal uga dhigaya, ku dadaal in qofka kula hadlaya aad siiso inshaha, mararka qaarna u dhoolla caddayso. Iska jir in qofka aad la hadlayso aad marar badan hadalka ka dhex gasho.

Ma fiicna in aad sida dadka qaar ku dheggenaato in wax kastaa uu rasmi u muuqdo oo nidaam iyo hab uu maro, ama in mar kasta sidaa la yeelo, waxaa fiican in qofka aad ku beerto shucuur ah in qof kastaa uu muhiim yahay (Adiga iyo Isaguba), xitaa haddii uu kaa mansab ama maal hooseeyo. Ogowna oo ma fiicna in aad ku talaxtagto talo siinta dadka, waayo taladu waxa ay ku fiican tahay marka uu qofku kaa dalbado ama marka aad u aragto in waqtigeedii la joogo qofkuna u bisil yahay. La soco…