224 Qof Oo Ku Dhintay Diyaarad Ruushku Leeyahay Oo Ku Burburtay Masar Iyo DAACISH Oo Sheegatay

0
682

Picture1Shirkado caalamiya oo joojiyey in diyaaradhoodu ay dul maraan Siinaay

Qaahira (Geeska) Diyaarad Ruushku leeyahay oo sabtidii shalay ku dhacday deegaanka Jasiirad u eegta Sinaay ee dalka Masar ayaa ay ku dhinteen dhammaan rakaabkii iyo shaqaalihii sarnaa oo tiradooda lagu sheegay 224 qof.

Warar ammaanka Masar laga helay ayaa sheegaya in diyaaraddan ay si qummaati ah iyada gudban dabna ka baxayo ay ugu soo dhacday dhulka, maydka dadkii saarnaana uu ku kala firdhay dhul masaafaddiisu dhan tahay 5 Kiiloomitir.

War uu Geeska Afrika ka soo xigtay Talefishanka Alcarabiya ayaa lagu sheegay in haayadaha ammaanka ee dalka Masar ay aaminsan yihiin in burburkani uu ku yimid cillaf farsamo.

Diyaaraddan oo ku socotay Ruushka oo sidday dad u badan Ruush oo ahaa dalxiisayaal dib ugu noqonayey dalkodoa ayaa ka kacday garoonka diyaaradaha ee magaalada loo dalxiis tago ee Sharm Sheekh oo ku dhow Koonfurta Siinaay 23 daqiiqo markii ay hawada ku jirtay ayaana laga waayay raadaarka.

Masuul ka tirsan haayadaha ammaanka dalka Masar ayaa sheegay in uu arkayey dhacdadan xanuunka badan, “Mayd aad u fara badan ayaa dhulka daadsanaa, dad badan ayaana dhintay iyaga oo suunka Ammaanku ugu xidhan yahay kuraasidii iyaga oo sidii ugu dheggen kuraastana dhulka u soo dhacay” ayaa uu yidhi mauulkan oo codsaday in aan magaciisa la sheegin. Waxa aanu intaas ku sii daray in diyaaraddu intii aanay dhulka ku dhicin ay u kala go’day laba qaybood oo mid yar yahay, diyaaradda qaybteeda dambe oo yarayd aadna u gubanaysay ayaana ku dhacday dhagax weyn oo sallax ah, halkaas oo sida uu masuulkani sheegay laga soo saaray maydka 100 ruux”

Safaaradda Ruushku ku leeyahay dalka Masar iyo haayadaha ammaanka Masar oo labaduba xaqiijiyey in diyaaraddan dadkii saarnaa aanay cidi ka badbaadin ayaa meesha ka saaray in aanu jirin wax qalad bani’aadam ama weerar ah oo loo aanayn karo shilkan isla markaana diyaaraddu ay tayo ahaan fiicnayd oo dhowaan uun hubin iyo dayactir fiican lagu sameeyey.

Ururka la baxay dowladda Islaamiga ah faraciisa Masar oo awood isa soo taraysa ku yeelanaya deegaannada Siinaay ee dalka Masar oo ah qarfe aanay awoodda dowladdu aad u gaadhin ayaa markiiba war uu soo saaray ku sheegtay soo ridista diyaaraddan Ruushka.

Ururka Daacish warkan uu soo saaray waxa uu ku sheegay in uu diyaaraddaas isagu soo riday, sababta uu u weerarayna ay ahayd aargoosii uu ururka dalka Ruushka kaga aargoosanayey weerarrada uu muddooyinkii u dambeeyey ka waday dalka Suuriya kuna beegsaday fadhiisimada Daacish ee dalkaas.

Dhinaca kalana madaxweynaha Ruushka oo warkan beeniyey ayaa dalkiisa kaga dhawaaqay in maalinta Axadda maanta uu dalkiisu geli doono maalin  baroordiiq rasmiya ah oo lagu xusayo dadka ku le’day burburka diyaaraddan. Isaga oo sidoo kalana dalka Masar u diray koox khubaro ah oo ka qayb qaadatay baadhista sababta burburka diyaaraddan.

Laba ka mid ah shirkadaha duulimaadyada ee ugu weyn Qaaradda Yurub ayaa iyaguna shalay markii ururka DAACISH sheegtay soo ridista diyaaraddan ayaa isla markiiba ku dhawaaqay in illaa amar dambe aanay diyaaradahoodu dul haadi doonin deegaanka Siinaay ee ay diyaaraddani ku dul burburtay.

Shirkadda diyaaradaha ee Lufthansa oo laga leeyahay dalka Jarmalka iyo shirkadda diyaaradaha dalka Faransiiska ee Air France ayaa siyaabo kala duwan labaduba u shaaciyey in illaa la hubiyey sababta burburka diyaaraddan aanay dul mari doonin hawada Siinaay, taas oo sumcad xumo u keenaysa ammaanka hawada sare ee dalka Masar.