Adeegyo Ku Cusub Talefannada Iphone Oo Khatar Ku Ah Sirta Gaarka Ah Iyo Kharashka Isticmaalka Internet Ka

0
679

Picture9Washington (Geeska)- Sida caadiga ah tiknoolajiyadda dunidu waxa ay ku socotaa xawaare aad u sarreeya iyo isbedello joogto ah oo hadba wax cusub soo kordhinaya, marka laga tago qalabka casriga ah ee tiknoolajiyadda waxa uu horumarkan joogtada ahi ku socdaa barnaamijyada ka shaqaysiiya aaladahaas casriga ah, waa Windows oo shirkadda Microsoft isticmaasho, IOS oo shirkadda Apple isticmaasho iyo Android oo ay Google leedahay shirkado badan oo SAMSUNG ka mid tahayna isticmaalaan. Barnaamijyadan waxaa lagu sameeyaa wax ka beddel iyo wanaajin joogto ah iyada oo hadba wax yar magacooda laga beddelayo si loo muujiyo in kii hore uu ka duwan yahay, dadka macaamiisha ahina waxa ay xiiseeyaan isticmaalka hadba ka cusub. Nimco kastaa nusqaanteeda ayaa ay leedahay ee, waxaa marba marka ka dambaysa soo baxaya wararka iftiiminaya galdaloolooyinka barnaamijyadaas ku jira iyo dhibta ay keeni karaan.

Barnaamijka IOS ee ay ku shaqeeyaan talefannada iPhone, iPad ka iyo qalabbada ay soo saarto shirkadda Apple ayaa lagu soo kordhiyey adeeg cusub oo u fududanaya in uu xoojiyo soo qabashada WiFi iyo in uu xoojiyo marka uu daciifka yahay si aanu internet ku uga go’in qofka isticmaalaya iPhone, laakiin ceebta adeeggan soo kordhay ayaa ah in uu fududaynayo in si sahal ah loo jabsan karo talefanka oo cid kale qofka sita oo aan ogeyn uu baadhan karo waxa gudihiisa ku kaydsan. Waxa aanay ceebtani si gaar ah u saarantahay adeegga Wi-Fi Assist oo ka mid ah iOS nuskhaddiisii soo baxday bishii Sagaalaad ee sannadkan. Sidoo kale waxa uu adeeggani leeyahay hab isaga oo aan qofku dareensanayn uu isugu guurguuri karo adeegge Wi-Fi iyo adeegga internet ka ee kaadhka talefanka laga isticmaalo sida 3G ama 4G iwm. Taas oo macnaheedu yahay in marka aad internet ka isticmaalayso haddii adeegga aad ku jirto ee Wi-Fi daciifo adiga oo aan dareemin in uu talefankaagu ku guurayo adeegga kaadhkaaga, taas oo dabcan lacag isticmaalaya, kharash badanna qofka gelinaya maadaama oo laga yaabo in isaga oo moodaya in uu isticmaalayo Wi-Fi in uu kharashkii kaadhkiisa isticmaalayo.